Is-marin waa ka taagan KISMAAYO iyo WASIIRO ka socda DFS oo dalab uusan aqbali karin hor dhigay A/MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa maalintii labaad ku sugan wafdi ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane.

Wafdiga oo gaaray magaalada shaley galinkii dambe ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in wafdiga gaaray magaalada Kismaayo ay u sheegeen maamulka KMG ah ee Jubba in la billaabo siddii dowladda dhexe loogu soo wareejin lahaa maamulka iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Ilaa hadda xal laga helin qoddobkan balse waxaa la sheegay in ay isaga soo dhawaadeen xiriir dhex mara dowladda dhexe iyo maamulka KMG ah ee Jubba isla markaana la mataaneeyo Bangiga dhexe ee dowladda iyo kan Kismaayo oo hadda uu maamulo maamulka Axmed Madoobe.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in uu kulmi doono madax ka socota ganactada gobalka Jubbada Hoose iyo rugta ganacsiga gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga wasiirka ayaa muddo seddax cisho ku sugnaan doona magaalada Kismayao waxaana u dhimman kulamo kale oo ay lee yihiin hoggaamiyaha maamulka Jubba iyo golaha fulinta maamulkaas sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kismaayo.

Si kastaba, waxaa muuqata ismari waa u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe kaasoo daba socda heshiis labada dhinac ay sannadkii horre ku gaareen Addis Ababa, waxaana heshiiskaas qoddobada ku jiray ka mid ah in muddo lix bil Kaddib maamulka KMG ah ee Jubba ay wareejiyaan garoonka iyo dekedda Kismaayo balse arrintaas waa la diidday.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku adkeesanaya in uusan wareejin doonin maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo oo dhaqaalo badan uu ka soo xaroodo, waxaana ay ku andacoonayaan in aaney dhaqaale ka helin dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com