Doon u kireesneed ganacsato Somali ah oo ku degtay xeebaha YEMEN

Sana’a (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in dooni siday ganacsiyo badan ay ku degtay halkaas.

Doontan oo la sheegay in ay ka soo sharaacatay xeebta Dubai ee dalka Isku taga imaaraadka carabta ayaa la sheegay in ay ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari sidda ay sheegeen saraakiil u hadlay maamulka Puntland.

Waxay siday doonta degtay gaadid fara badan, shidaal iyo badeecado kale, waxaana lagu soo warramayaa in dhammaan ay baab’een oo ay badda ku darsameen.

Wasiir u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin khasaaraha soo gaaray ganacsatada ay u kireesneed doonta ku degtay xeebaha magaalada Sana’a ee dalka Yemen.

Ma ahan markii ugu horreeysay oo dooni u kireesneed ganacsato Soomaali ah ay ku degto xeebaha bad weynta Hindiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com