Ereg, Sanbalooshe & Maxamed oo loo magcaabay xilal aan hawlo la socon

Tala xumo hor leh, oo kaalay isbedalka lagu sameeyay hay’adaha amniga dalka ma waxaa looga dan lahaa in la sii murijyo xaalada amni xumo ee dalka ka jirto misa in wax la hgaajiyo??

Waxaa la magacaabay wasiir Amni oo cusub, taliya Boolis oo cusub, waxaa xilki nabad sugida laga xayuubiyay Genral Bashir Jamac, waxaana xilkiisi loo dhiibay Sanbalooshe, waxaasa cajiib ah in saxaafada iyo guud ahaan Soomaalida aynan weli ku baraarugin xilalkan la magcaabay in aynan la socon wax hawl ah, waayo isla qaraarkan lagu eryay madaxdi hay’adaha amniga, looguna magcaabay madax cusub xilalkoodu waxaa garab socdo Qaraar kale oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga ah in maamulada Booliska iyo nabad sugida gobalka Banaadir si toos ah loo hoos-geeyay maamulka duqa Muqadisho ama gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane Gen-Muungaab.

Waa ka daran oo dibi dhal, madaxda dalka Soomaaliya xagee maamulkooda ka jiray oo aan ahayn gobalka Banaadir weyne iyo magaalada Muqadisho maahine, marka laga reebo gobalka Hiiraan oo aan isaga naf ahaantiisa si toos ah uunan maamulkeeda u hoos imaan DFS.

Wasiirka amniga, taliyaha guud ee Booliska iyo taliyaha guud ee Nabada Sugida ee la magcaabay xagee la rabaa in ay maamulaan kol haddii maamulki xagga amniga ee gobalka Banaadir uu hoos imaanayo maamulka Gobalka Banaadir oo iyada aad moodo in uu ku jiro wanaag, in la soo dhaweeyane ay mudan tahay, laakin su’aasha taagan waxay tahay, ma jiraa qorsha ay DFS ay u sameysay hay’adaha amniga guud ee dalka iyo kan gobalka si looga kore isku dhacyo maamul oo haddana mar kale sabab u noqdo sii murjinta xaalada amni ee awalba deyra laga joogay.

Isbedalka lagu sameeyay maamulada hay’aydaha Aminga ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalka Banaadir iyo ka hadalka isbedalka cusub oo ka dhashay weerarki naxariis darrada iyo dad layska ahaa ee lagu qaaday guriga looga arrimiyo Ummadda Soomaaliyeed magic ahaan oo kaliya . isbedalkan waxad moodaa in uunan ku imaan qorsha quman iyo rabitaan hore oo ka yimid madaxda dalka, sidoo kale wuxuu u muuqdaa mid looga tilaabayo mixnadan iyo in Soomaalida la hilmaansiiyo weydiisashada iscasilaada madaxda dalka oo beryahaanba si aad ah isu soo taraysay keddib marki ay hawla badan oo qabashadooda laga sugaayay ku fashimeen. Tan xigta su’aasha ugu horeyso ee laysla dhaxmarayo waa, muxuu isbedalkan cusub ee dhanka amniga ah ku soo kordhin karaa xaalada Amni xumo ee ka jirto dalka guud ahaan iyo gaar ahaan gobalki horay loo dhihi jiray Banaadir weyne.. jawaabta su’aashan waxaan u deyneynaa zamanka iyo hadba madaxda sare ee dalka sida ay ula yimaadaan wada shaqeyn ay fadhi u tahay isku duubnaasho iyo ka fogaashada khilaaf shakhsiyeedka in mudda ahba ka dhax jiray madaxda dalka oo ah anigaa iri iyo anigaa iri iyo aniga teyda waa in ay ku socotaa dhamaan inta kale.

Digniin ama fariin ku socoto gudoomiyaha Gobalka Banaadir, mudane Muungaab.

Mudane hawsha laguu igmaday ma ahan mid sahlan, waana hawshi DFS ay in muuda ahba la daaala dhaceysay hagaajinteeda, laguna eedeynayay in ay ku fashilmeen, sidaas darteed waxaan kuugu wargelineynaa haddii ay kaa maqan tahay in aan hawshan lagu hoos gelin iyada oo aan la soo garab dhigin ama la soo raacin dhaqaalaha ay DFS ku qaadan jirtay hawlaha nabad sugida ee gobalka ama aanan dib loogu noqon nisbada maamulka gobalka Banaadir kaa soo gaarto dhaqaalaha xoogan ee ka soo xerooda canshuur ahaan gobalka Banaadir. Haddii ay dhacdo in aad hawshan aqbasho iyada oo aan dhaqaala la socon waxay la macna tahay adiga oo dowr ka qaatay sii murjinta xaalada Amni ee gobalka Banaadir ka jirto,midda kale DFS waa in aad ku wargelisaa in ay la timaado qaabki iyo qorshihi aad ku wada shaqeyn lahaydeen idinka iyo hay’adaha amniga guud ee dalka oo uu ku jiro wasiirka cusub ee amniga si looga karo sii murjinta xaalada amni ee awalba meel hoose gaartay iyo isku dhacyo dib u dhigo wixi ka suurtageli lahaa in ay la timaado DFS ee tira badan iyo tayo yar.9 july 2014.

W/Q: Abdallah Moallim Mahamud.
Moallem10@hotmail.com