Hey’addaha DF oo lagu eedeeyay in ku xad gudbeen sharciga dalka u yaal

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Abukaate Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ka dhawaajiyay in hey’addaha dowladda sidda fulinta oo ah golaha wasiiradda, sharci dajinta oo ah baarlamaanka iyo garsoorka ay ku dhaqaaqeen tallaabo sharciga dalka jabinaya.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa tilmaamay in seddaxdaas hey’addood uusan ka dhexeynin wax xiriir ah taasna ay khatar ku tahay nidaamka dalka.

Wuxuu sheegay in hey’addaha dowladda looga baahan yahay in aysan dalka burbur u horseedin waayo ayuu yiri dalkan sharci ayuu lee yahay marka mid cusub looma baahno” ayuu yiri abukaate Ilka Xanaf.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in uusan dooneynin in uu khalkhal siyaasadeed uu horseed ka noqdo balse uu doonayo in sharciga dalka la ilaaliyo sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ku soo aadaya ayadoo ay soo baxayso dhaliilo ku aadan hey’addaha dowladda oo ku aadan sharciga dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com