Xildhibaano weli aan ku qanacsaneyn xukuumadda C/Weli kadib is-bedelkii

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in isbadalka lagu sameeyay hey’addaha dowladda aanu waxbo soo kordhin doonin isagoona sabab uga dhigay in dadka la isku badalay ay ka mid ahaayeen kuwa horrey u fashilmay.

Xildhibaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan ku qanacsaneen sidda ay wax u socdaan isagoona ku tilmaamay isbadalka dhacay jug-jug meeshada joog.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay in laamaha ammaanka dowladda ay dhammaan fashil yihiin haddii isbadal la sameenaayo laga soo billaabo gunta hoose.

Isagoo sii hadlaayay ayuu sheegay in dowladda ay u muuqato mid ku guul darreesatay sugida ammaanka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa xusay in dowladda looga fadhiyo in ay ka jawaabto falalka ammaan darrida ee ka dhaca dalka kuwaasoo ay ka mid yihiin dilalka loo geesto xildhibaannada baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Hadalka xildhibaan Dalxa ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay sameesay isbadal xagga ammaanka ah Kaddib markii weerarro xiriir ah ay ka dhaceyn xarumaha dowladda sidda baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka looga arrimiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com