IS-BEDDEL weyn oo madaxtooyada ka dhacay iyo xil qaadis lagu sameeyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyayha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ururka Madaxtooyada Somaliya Korneyl Axmed Maxamed Afcadey.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa si ku meel gaar (KMG) ah Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada ugu magacaabay Ku Xigeenkii Korneyl Afcadey oo lagu magacaabo Gaashaanle Duraan.

Sidoo kale waxa uu Taliyuhu xil ka qaadis ku sameeyay Korneel Garabeey, oo ahaa ninka haayay keydka hubka Madaxtooyada, waxaana lagu bedelay Sarkaal la yiraahdo Korneyl Cosobow.

Korneyl Axmed Maxamed Afcadey
Korneyl Axmed Maxamed Afcadey

Ciidanka Xooga Dalka ee ka hawlgala Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa lagu sheegay Urur ka kooban 500 oo askari, balse waxaa la rabaa in laga dhigo Guuto oo la gaarsiiyo ilaa 1500 oo askari.

Waxaa soconaayo qorsho ku aadan in Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada laga dhigo nin heysta Darajada Ciidanimo ee Sareeye Guuto (General), wuxuuna General Indha-qarshe wadaa xulashada Janankii qaban lahaa Madaxtooyada.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), uu xusul duub ugu jiro in laga dhigo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkii habeenimada Talaadadii lagu qaaday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxa uu dhaliyay in isbedelo badan oo xagga ammaanka ah, ay sameeyaan Madaxda Dowladdu.

Isha: Dhacdo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com