DF Somalia oo ku tumatay xuquuqda 11 gobol oo aysan jirin cid u hadasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda adeega bulshada oo ay hoos tagaan wasaarado badan sida Waxbarashada, Caafimadka ayaa noqotay wasaarad lumisa xaquuqda dadka ku nool koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasaaradaan oo ay wasiirad ka tahay Haweeneyda Drs Maryan Qaasin ayaa Maamulkeeda dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadkaba ee Dawladda Federaalka kusoo koobtay Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, Wasaaradaha hoostaga haweeynaydaan ayaan wax la tashi ah la sameynin gobolada hoostaga Maamulkeeda ee ka kooban 11-ka gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee soomaaliya, 11-kaan gobolna waxaa ay ka dhigtay gobolo la xaquuq ah amaba ka xaquuq yar Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Drs Maryan Qaasim oo ah Wasiirka adeega bulshada ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay dalka Soomaaliya ka hergelinayso Barnaamij waxbarasho oo hal milyan oo arday dugsiyada dib loogu celinayo, Mashruucaan ayaa la sheegayaa in loo qoondeeyay aduun lacageed oo ka badan 100 milyan doolar.

Mashruucaan ayaa loo qorsheeyay in dalka Soomaaliya laga shaqaaleeyo Macalimiin gaaraya 1500 Macalin, Macalimiintaan ayaa loo kala qeybiyey 500 Macalin Somalilan, 500 Macalin Puntland iyo 500 Macalin Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, arintaan wasaaradu ogolaatay ayaa ah mid luminaysa xuquuqda dadka kunool gobolada kala ah Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Sh/hoose, Bay, Bakool, Jubada dhexe, Jubada hoose iyo Gobolka Gedo, Goboladaan oo ah 11 gobol oo kamid ah 18-ka gobol Soomaaliya, Laba jibaarna ka dad badan Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa loo qorsheeyay macalimiin lamid ah inta loo qorsheeyay Maamulada somaliland iyo Puntland.

Mashruucaan ayaa waxaan is waafaqeynin higsiga ah hal milyan oo arday in dib Iskuulada loogu celinayo iyada oo la shaqaaleynayo sida la sheegay 1500 Macalimiin, Macalimiin ayaa wax bari karta arday gaaraysa halkii Macalinba 35 arday fasal ka kooban sanad dugsiyeedkiiba, taas oo ka dhigaysa tirada rasmiga ah ee ay wax bari karaan 52,500 arday. Mashruucaan ma cadda loomana faahfaahin sida gobolada Soomaaliyeed ee ka kooban 18-ka gobol ay uga faaiideysanayaan, Iskuulaadka la sheegay in la dhisayo sida gobolada dhan looga hergelinayo, Macalimiinta la tababarayo ama la shaqaaleynayo sida loo xulayo iyada oo si cadaalad ah loogu qeybinayo dhowr iyo sagashanka degmo ee dalku ka kooban yahay.

Mashruucaan aya marka laga reebo document-gaan sida qurxan loo qoray balse aan cadaaladda ku dhisneyn ayaa gobolada Soomaaliyeed ee bartamaha iyo koofurta inta badan aanba warkiisa laga heynin marka laga reebo gobolo ku dhow caasimada oo isku duwayaal waxbarasho oo qaab qabiil ah lagu magacaabay ay si suuq madoow ah u qoreen shaqsiyaad aan horey macalimiin u ahaan jirin. Mashruucaan oo dhan ayaa ku socda si mugdi ah oo aan faahfaahsanayn waxa laga qabanayo 18-ka gobol ee Soomaaliya, Mashruucaan ayaa la sheegayaa inay maalgelinayaan deeq bixiyayaal caalami ah oo ka kooban EU, DFID, USAID, the Netherlands, and the Global Partnership for Education (GPE). Mashruucaan ayaa haddii la sameyn lahaa in lagala tashado dhamaan Maamulada Gobolada, si simana loo qorsheeyo in gobolada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo wax badan kusoo kordhin lahaa nambarka ardada Soomaaliyeed ee ka faaiideysata.

Mashruucaan oo loogu magac daray Go to School (G2S) 2013 – 2016 ayaan ahayn mid aan faahfaahsanayn wuxxuna u qoran yahay qaab guud, inkastoo qorshaha mashruucaan cinwaanka (header) looga dhigay Somalia Federal Republic G2S Initiative: Educating for Resilience (2013‐2016) Strategy Document, haddana mashruucaan wuxuu dawlada Federaalka Soomaaliya u aqoonsan yahay oo kaliya Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya kaliya, Goboladaas oo ay wasaaradu maamulayso, aqri link-gaan http://www.unicef.org/somalia/SOM_resources_gotoschool.pdf Halka Maamulada Somaliland iyo Puntland uu si la siman Dawladda Federaalka u aqoonsan yahay Wasaaradahooda Waxbarashada .

Dhibaatada haysata gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayey tahay in horumarinta iyo wax u qabadka goboladaan oo ka kooban ilaa 11 gobol loo daayey Dawladda lagu magacaabo Federaalka Soomaaliya, balse xaqiiqada dhabta ahi ay tahay gobolada shirkadda lagu yahay Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ayaa ka imaanaya dhamaan gobolada iyo Maamulada sida la siman dawladda federaalka loo aqoonsan yahay balse masuuliyiinta ka imaanaya Puntland iyo Somaliland ayaan masuuliyad iska saarin sidii goboladaas u hoos imaan lahaayeen Dawladda Federaalka balse taas cagsigeeda waxay taageerda Caalamka Soomaaliya siiyo marka la isugu yimaado shirarka deeq bixiyayaasha oo looga qeyb galo qaab ah 3 dawladood oo siman ayba u xagliyaan in horumarinta Nabadgelyada, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha kale ee dhaqaalaha in la geliyo gobolada ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan sida joogtadaba noqotay.

Si kastaba ha ahaatee Deeq bixiyayaasha Caalamka iyo Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tuntay xaquuqda dadka Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya oo aan lahayn siyaasiyiin iyo aqoonyahan ilaaliya xaquuqda goboladaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com