Dhageyso: Hawiye iyo Raxa-weyn oo is qabtay & Axmed Diiriye oo Afka furtay

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin wuxuu u jeediyay Beelaha Digil iyo Milifle iyo waliba kulamada lagu doonayo in lagu soo dhiso maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa Sheegay in Beeshahaas ay abuurayaan kala qeybsanaan ku aadan dhanka beelaha, gaar ahaan beelaha  Hawiye, isagoo sheegay in qeyb ka mid ah Beelaha Hawiye ay u yeere si ay kulama Maamul u sameynta gobolada Koonfur galbeed ay uga qeyb qaataan .

“Dhulkaan Baay iyo Bakool dadka dega waxaa la oraj jiray Digil iyo Daami, Dadka Taariikhda Soomaalida wax ka yaqan ayaa aad u garanaya, Marka Daami rajo kama qabo wax dad leeyahay inay qaataan, laakiin dadka waxa kale wada waxaan uga digeynaa inay ka digtoonadaan “ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Wuxuu sheegay in maal mahanba ay isha ka eeganayeen sida Beelahaasi ay wax u wadaan balse iminka uu dulqadkii ka dhamaaday , waxaana uu tilmaamay in wali xalka si nabadeed ay ku raadinayaan balse hadii laga diido ay xoog isku badali doonto ida uu tilmaamay.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa eedeyn kala dul dhacay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari , taasi oo ku aadan inuu garab siiyay Beeshiisa isla mmarkaana uu colaad ka Hurinaya gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay in Odayaasha Beelaha Digil iyo Milifle ay yiraahdaan lix gobol ayaanu maamul u sameyneynaa , isagoo sheegay in waligiiba  uu Odayaashaasi ku maqli jiray gobolada Baay iyo Bakool sida uu hadalaka u dhigay.

Soomaalida ayuu sheegay inay yihiin dad is garanaya isla markaana isla soo dhamay, waxaana uu xusay in cid cid kale ka sareysa iminka aaneyn jirin sida uu tilmaamay gobolada Koonfur Galbeedna ay degaan dhamaan umada Soomaaliyeed  balse Qabiilo gaar ah aysan laheyn inkastoo lagu kala awood badan yahay sida uu shaaciyay.

Beydhabo waxaa ka soconaya Abaabulka maamul la doonayo in lagu mideeyo gobolada Baay , Bakool , Shabeelaha Hoose labada  Jubbo iyo Gedo , in kastoo deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka howl galo maamulka Jubba ee Axmed MADOOBE uu hogaamiyo.

Halkaan ka dhageyso Codka Axmed Diiriye

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com