Soomaali badan oo xaalad khatar ah ay ku heesato xeebaha Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya xeebaha Talyaaniga ayaa sheegaya in halkaas ay ku go’doonsan yihiin tahriibayaal Soomaali ah oo ka yimid waddanka Libya ee ku yaalla waqooyiga Afrika.

Wariyaha BBC-da Roma Aadan Sabriye oo la hadlay qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in 110-qof oo Soomaali ah kuna jiraan 30 dumar iyo 20-carruur ah ay ku go’doonsan yihiin xeebaha Talyaaniga.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkan markii la xiriireen ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga kuwaasoo ku wargaliyay in goobta ay ku go’doonsan yihiin ay ka tirsan tahay dalka Libya, sidaa daraadeed loo soo diri doono markab.

Si kastaba, qaar badan oo dadka la socda doonta ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga ayaa markii loo sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha Libya waxa ay isku darsameen qaar kooxd waaba ay miir-daboolmeen gaar ahaan dumarka.

Dhacdadan aadka xanuunka badan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo t oddobaadkii hore doon ay la socdeen in ka badan 500 oo Afrikan ah ay ku degtay xeebaha Talyaaniga.

Ku dhawaad 300 oo ahaa dadkii la socday doonta ayaa la sheegay in dhinteen kuwa kalena weli waa ay maqan yihiin.

Iyadoo ay dhibaatadaas la soo warrinaayo haddana Soomaalida ma ahan kuwa wax maqlaya waa ay soo socdaan, waxaana ay u maleeyaan in ay barwaaqo kasoo horeyso, sidaas waxa yiri Aadan Sabriye wariyaha BBC-da ee Roma.

Soomaalida ayaa ka yimaada meelo badan oo  dalka sida Puntland iyo Somaliland, waxaana dhinaca Somaliland ka jira dad burcad ah oo dadka ka soo wada Hargeysa iyo Burco.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com