Adduunka waxaa berri qabsanaya Filim ay wax ka jilayaan Soomaali

Washington DC (Caasimada Online) Maalinta berri ah, waxaa meelo badan oo dunida ah laga daawan doonaa filim laga sameeyay burcad-badeeda Soomaalida iyo sida ay u afduubtaan maraakiibta iyo doomaha adeegsada xeebaha Soomaaliya.

Filimkan waxaa laga soo saarayaa xarunta ugu caansan Filimada aduunka ee Hollywood-ka oo ku taalla dalka Maraykanka.

Waxaa filimka wax ka jilya labo wiil oo Soomaali ah, kuwaasoo ka tagay magaalooyinka Minneapolis iyo Birmingham oo ka kala tirsan waddamada Maraykanka iyo Britain.

Filimkan waxaa la yiraahdaa Captain Philips, waa ninkii waday markab laga lee yahay dalka Maraykanka  oo la yiraahdo Maerska Alabama, markabkan iyo shaqaale la socday waxaa la afduubtay bishii April ee sannadkii 2009.

Markabkan ayaa xilligaas ku gooshayay Xeebta degmada Eyl u jirta 240 Notical Meyl, waxaana dubka soo weeraray burcad-badeed Soomaali ah oo watay labo doon, durba captainkii ayaa lagu amray in uu doonta joojiyo,

Si kastaba, burcad-badeedu waxay si dhib yar ku fuuleen Markabka, waxaana Markabka Alabama uu noqday Markabkii ugu horeeyay ee wata Calanka Mareeykanka ee ay afduubaan Burcad-badeeda Soomaalia.

Maalin markii ay heesteen waxaa soo weeraray ciidamada sida gaarka u tabbabaran ee Maraykanka, kuwaasoo xoog ku soo furtya bad-maaxiyaasha ay heesteen.

Filimka waxaa director ka ah Tom Hankies waa nin aad ugu xeel dheer filimada, waxaa kaloo filimka ku jira labo wiil oo la kala yiraado Barkhad iyo Ceyduruus, waxa ay ku jilayaan filimka burcad-badeednimo.

Sida qorshaha uu yahay filimkan dalka Maraykanka gudihiisa waxaa lagu fiirsan doonaa maalinta berri marka uu soo baxo 800 oo shaleemo, sidoo kale meelo badan oo adduunka ayaa si weyn looga dalbay.

Waa filimkii labaad oo laga soo saaro shirkada filimada ugu caansan aduunka ee Hollywood-ka, waxaa horrey loo soo saaray filimkii caanka ahaa ee Black How-down, oo laga sameeyay dagaalkii dhexmaray taageerayaashii Allaha ha u naxariisto Gen Ceydiid iyo Maraykanka sannadkii 1992-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

caasimada@live.com