Dhageyso: Cabdi Jiinoow: Maxkamad ayaan la koreyna Hey’ada ICRC-da

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow, ayaa sheegay Inay Maxkamad la korayaan Mas’uuliyiinta Hey’ada ICRC-da sababo la xiriira Musuq Maamuq  uu sheegay inay gobolka ku sameeyeen .

Wuxuu sheegay Cabdi Jiinoow, isagoo ku sugan  magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya inay musuq maasuq sameeyeen shaqaalaha hay’ada ICRC markii ay xirayeen buqatada Tuulada Baareey oo fatahaada Webiga Shabeelle uu ka bilowday dhawaan kadib markii Wegiga oo Soo goostay.

Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in arintaasi kulamo  kusaabsan uu la qaadan doonaan mas’uuliyiinta Hay’ada oo kusugan magaalada Nairobi,waxaana sidoo kale uu tilmaamay inay jiraan tuhuno kale oo ay ka sameeyeen tuulada Maandheere sida uu sheegay .

Wuxuu sheegay in arimhaas oo dhan Baaritaan lagu sameyn doono isla markaana hadii ay ku cadaato ay maxkamad la fuuli doonaan Shaqaalaha hey’da , isla markaana aan la isaga  haro doonin arintan .

Wabiga Shabeelle ayaa Fatahaad wuxuu ka sameeyay deegaano iyo degmooyin Hoos yimaada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabaleeha dhaxe , Taasi oo sababtay inay xirmato wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Waxaa jira cabdi ku aadan in biyaha wabiga ay usoo tilaabaan dhanka Magaalada Jowhar kadib markii Biyaha wabiga ay kasoo fakadeen djanka Tuulada Baareey , waxaana gudoomiyaha gobolku uu shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan ka hor tagidda arintan .

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha

Cabdi Jiinoow

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com