Ma dhabbaa in DFS ay ku lug leedahay arrinta xasaasiga ee lagu eedeeyey?

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiye ku-xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca arrimaha bulshadda, Cabdulaahi Muuse Abuur ayaa ku eedeeyay wasaaradda gaashandhigga xukuumadda in ay ka dambeeso dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in dagaalka shalaya ka dhacay deeganka Ceelwareegow ay ka qeyb galeen baabuurta dagaalka ee wasaaradda gaashandhigga.

“Dagaalkan muddo sannad ah ayuu socdaa, waxaana ku lug leh wasaaradda gaashandhigga oo baabuurtooda ayaa ka qeyb qaadanaya dagaallada kuwaasoo xasuuqaya dadka shacabka ah ee ku nool degmooyin ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca arrimaha bulshadda.

Mar la weydiiayay in uu faah-faahiyo sababta ay wasaaradda gaashandhigga dagaalka uga qeyb qaadaneyso, wuxuu tilmaamay in ay ku jahwareesan yihiin sababta keentay in wasaaradda gaadidka gaadidka ay uga qeyb qaadaneyso dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa kaloo la weydiiyay bal in ay socdaan waan-waan oo ku aadan siddii lagu damin lahaa dagaallada, wuxuu tilmaamay in wax ka ahayn gaadidka wasaaradda gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya oo dagaalka ka qeyb qaadanaya in ay arkaan balse aaney jirin cid ku howlan daminta dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu kaloo sheegay in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo ay ku jiraan kuwii ka soo barakacay degmada Qoryooleey.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaashandhigga xukuumadda oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeso dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com