DF Somaia oo la siiyey tallo muhiim ah oo ku saabsan ammaanka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabaas Maxammuud Caddow oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dowladda ayaa tallooyin muhiim ah siiyay dowladda Soomaaliya taasoo ku aadan sugida ammaanka Muqdisho.

Korneelka oo ku xeel dheer arrimaha ciidamada ayaa sheegay haddii dowladda u baahan tahay sugida ammaanka in ay sameyso isku xir dhinaca bulshadda ah oo kasbato shacabka.

Wuxuu sheegay korneel in isbadal lagu sameeyo ammaanka aanu waxbo soo kordhineynin ee loo baahan yahay in dowladda ay kasbato shacabka siddaas ayaana ammaan lagu helayaa ayuu sheegay.

Korneelka ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay niyad jabsan yihiin sidda ay wax u wado dowladda oo ku aadan ammaan darida ka sii dareyso ee dalka.

Hadalka Korneel Cabaas ayaa yimid ayadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday tallaabo ammaanka wax looga badalaayo Kaddib markii weerarro xiriir ah ay ka dhaceen magaalada waxaana ugu dambeeyay kii ka dhacay xarunta madaxtooyada toddobaadkii horre.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajaheysa culeys xagga ammaanka ah waxaana dad badan ay lee yihiin waa ay adkaan doontaa sidda looga guuleyso tallaabadaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com