DF Somalia oo qaadatay go’aan adag iyo xiisadda Galmudug oo kasii dartay

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay khilaaf cusub oo ka dhashay halka lagu qabanayo doorashada guud ee maamulka Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in doorashada Galmudug lagu qababanayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wasaaraddu waxa ay shaacisay in doorashada ay dhaceyso afarta bisha July ee soo socota.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo u muuqday inuu soo afjarayo xiisadda maaamulkaasi ayaa ka horyimid go’aankan.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in doorashada uu aqbalay, balse ay ka dhaceyso magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Arrintan ayaa abuuri karta khilaaf kale oo hor leh, maadaama dowladda dhexe, Xaaf iyo Ahlu-Sunna ay haatan ku kala aragti duwan yihiin, halka lagu qabanayo doorashadaasi.

Halkan hoose ka Akhriso:-

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com