Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shixnad qalab caafimaad u direysa magaalada Hargeysa ee caasimadsa maamulka Somaliland.
Shixnadan ayaa isugu jirta gaadiidka gargaarka deg-degga ah, taas oo sidoo kale la geynayo isbitaallada Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa shalay qalabkan caafimaad iyo gaadiidka nooca gar gaarka deg-degga ah kala wareegey hay’adda caafimaadka aduunka.
“Qalabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo Isbitaalada Demartino, Banaadir iyo Isbitaalda magaalooyinka Hargeysa Kismaayo Cadaado iyo Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in wax weyn uu ku soo kordhin doono nidaamka caafimaadka Soomaaliya, isagoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gaarsiin doono qalabkan isbitaaladii loo qorsheeyay, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed u heli laheyd adeeg caafimaad oo dhameystiran oo laga heli karo goob kasta.
Si kastaba, qalabkan caafimaad ayaa wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.