Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dalka ay wadaan qorsho ay ku shaacin lahaayen xaqiiqda Qalbi Dhagax.
Mas’uul ka tirsan Villa Somalia ayaa noo xaqiijiyay in arrintaasi ay kawada tashanayaan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia oo ay ka go’do talada dalka.
Mas’uulka aan xogtaani la wadaagnay ayaa xaqiijiyay in dowlada Somalia lagu cadaadinaayo ka hadalka xaqiiqda Qalbi Dhagax, maadaama ay isa soo tarayaan warar been abuur ah oo laga faafinaayo dowlada.
Dowlada ayaa Cadaadinta ugu badan kala kulmeysa dhinacyada Siyaasada sida Xildhibaanada iyo garabyada kale ee mucaaradka ah.
Cadaadinta lagu hayo dowlada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah culimaa’u diin dowlada ka dalbaday inay xaqiijiso xaalada Qalbi Dhagax oo muran badan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, si xal loogu helo shakiyada taagan.
Ma cadda xiliga saxda ah oo dowlada Federaalka ay shaacin doonto qadiyada Qalbi Dhagax iyo xaqiiqda ka danbeysay dhiibitaankiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]