Gafafka isku xigxiga waxa ay soo dedejinayaan in la mucaarado dowladda

Gafafka isku xigxiga waxay soo dedejinayaan in la mucaarado dowladda Farmaajo waxayna halis gelinayaan qarannimada Somaliyeed.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo waxay ahayd tii shacbi ahaan ugu taageero badneyd oo madaxweyne Somalia soo martay tan iyo 1991ki.

Dadka taageerayna waxay u badnaayeen shacabka  ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Somalia gaar ahaan gobolka Banaadir (ama Benaadir sida uu Guddoomiyaha gobolka ugu yeero ),  taasoo gaarsiisay in ay isku milmaan dhammaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Dowlad kasta oo timaada waxaa fashiliya kooxo gaar ah oo danley ah aadna ula saaxiba madaxda dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha si ay dhagta ugu sheegaan wax ay ku farxaan oo kali ah, kana ilaaliyaan waxa xun ee ka jira wadanka sida tacadiyada loo geysta shacabka, maamul xumida iyo musuqmaasuqa.

Marka kooxdaas ku guuleystaan in ay hantaan qalbiga iyo maskaxda (hearts and mind) madaxda sare ayaa ugu dambeyntii waxaa hal mar dhaca  kacdoon shacbi oo looga soo horjeedo dowladda gaar ahaan mas’uuliyiinta sare taasoo keenta mucaaradnimo baahda marka dambane loo isticmaalo xildhinaanno mooshin (motion) ku nool ah oo ka tirsan golaha baarlamaaka qaranka si loo rido madaxda dowladda.

Marka an ka soo tago waxii dhacay intii ay jireen dowladihii ka horeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaan qormadan ku soo koobayaa dowladda mudane khayrre ra’isul wasaaraha u yahay iyo waxa ay ku fududaadeen.

1- Xilka qaadidda Cali Cabdullahi Cosoble.

Ayadoo la og yahay in dowladda dhexe aysan awood iyo amar ku laheen dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa xaqiiqa ah in ay ridi karto ama wax ka bedeli karaan maamullada Galmudug iyo Hirshabeele oo kali ah taasoo sabab u ah isfaham la’aanta iyo khilaafka u dhexeeya shacabka iyo siyaasiyiinta ku nool labada dowlad goboleed.

Cali Cabdullahi Cosoble oo ay doorteen xildhibaanada Hirshabeelle bishii October 2016, ayaa waxaan aaminsanahay in lagu riday arrin kasoo horjeedda dastuurka Hirshabeele iyo kan qaranka waxaana daliil u ah codkii laga duubay Guddoomiyaha golaha shacabka Hirshabeele iyo asagoo an loo marin si sax ah riditaan kiisa golaha baarlamaanka Hirshabeelle.

Ali Cabdullahi waa shaqsi la doortey lagana noqsan kara kalsoonida haddii lagu arko dambi sababi kara in la rido, balse dadka siyaadada u dhuun duleela waxay lee yihiin wuxuu eeday ka soo dejintii jaadka degmada jowhar, ku dhawaqiddi dib u habeynta dekadda Ceel Macaan  iyo tageerida dowlad goboleed in loo dhiso gobolka Banaadir taasoo dhalisay khilaafka ugu weyn ee dhex martay asaga iyo madaxda sare ee dowladda fedaraalka.

  1. U GACAN GELINTA QALBI DHAGAX DOWLADDA ITOOBIYA.                                   Waxaa Jiray koox lagu magacaabi jiray ASHAHAADA LA DIRIR ayagana isku magacaabay ARGAGIXISA LA DIRIR xilligii hoggaamiye kooxeeyada oo lagu sameeyay degmada Balcad una badanaa hoggaamiye kooxeedya caanka ahaa, kuwaas oo qandaraas ku qaatay in ay nolol iyo geeri ugu geeyaan dowlado ay heshiis la soo galeen oo ay ku jiraan America iyo Itoobiya in ay u gudbiyaan dad u badanaa wadaaddo ayadoo la sheegay in garoomada qaar lagu arki jiray madaxyo go’an oo gar weyn ku yaal oo ay kooxdaas u dhoofineyso dalal shisheeye, Waxaas ugub ah in dowlad Somaliyeed u gacan geliso dal shisheeye sarkaal Somaliyeed oo an wax dhib ah ku hayn ayaga.

Waa hubaa in ay jiraan mar walba kooxo mucaarad ku ah dowladda Farmaajo iyo dowladihii ka horeeyay oo mar walba ku shira dalka Itoobiya iyo dowladda kale mana dhici karto in lagu soo wareejiyo gacanta dowladda Somaliyeed.

Dhacdada Qalbi dhagax waxay muujineysaa laba arrin oo xaqiiqa ah;

A- In ay dowladda Itoobiya awood badan ku leedahay siyaadadda Somalia kana sameyn karto wax kasta oo ay dooneyso iyo

B- In ay jiraan siyaasiyiin kala duwan on si toos ah ula shaqeesa dowladda Itoobiya iyo dowladda kale kuna faana xiriirka dhow ee ay la leeyihiin dowladahaasi madaama ay sii dabar go’eyso Wadan Jacayl kii lagu yaqiinay Somalida.

Dad badan ayaa hadda isweydiinaya aaway wadan jaceylkii uu ku caan baxay maxadweyne Farmaajo mise waxaa qabsatay biyo iyo dad kaa badan wey ku qaadaan.

Madaxweyne Farmaajo waxaan horay media -ugu gudbiyay in kuwa ugu soo horreeya ee la saaxibo ay noqon doonaan danley ugu dambeynti god ku ridda kuna dira shacabkii aadna u jeclaa.

W/Q: Abdirahman moalin (FAAX)
London

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.