Heshiiskii Khayre iyo Itoobiya ee isdhaafsiga maxaabiista- Taariikh cusub?

Bishii July ee sanadkan ayey ahayd markii in ka badan 100 maxaabiis Soomaali ah oo muddo ku xirnaa dalka Itoobiya laga soo dajiyey magaalada Muqdisho, arrintaasi oo ay dad badan soo dhaweeyeen, waxaase cadaatay in ku dhaw 2 bil kadib in siideynta maxaabiistaasi uu ku hoos duugnaa heshiis qarsoon oo saameyn ku yeelan doona dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bishii June booqasho ku tagay dalka Itoobiya halkaasi oo uu uga qeyb galay shir ay lahayd IGAD oo looga hadlayey xiisada ka taagan dalka Sudaanta Koonfureed. Intuu ku sugnaa magaalada Addis ababa ayuu kulamo la yeeshay saraakiisha dowlada Itoobiya oo uu ku jiro dhigiisa Hailemariam Dessalegn oo ay ka wadahadleen waxa loogu yeeray
“…Iskaashiga Labada dal…”.

“…Waxaan leenahay dalka Itoobiya iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Itoobiya sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya….” Ayuu yiri R.W Kheyre oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Xiligaasi ayey labada dhinac ku gaareen heshiis aan illaa iyo hada lasoo bandhigin oo la sheegay inuu la xariiray amniga iyo isdhaafsiga maxaabiista.

Itoobiya ayaa si xirfadeysan ugu adeegsatay siideynta muwaadiniin Soomaali ah oo xabsiyadeeda ku jiray muddo dheer, kuwaasi oo intooda badan loo heystay oo kaliya tuhuno aan lagu cadeyn, waxayna Itoobiya ku bedalatay in Soomaaliya ay sidan oo kale kusoo wareejiso dadka ay baadi goobayaan ee lagu qabto Soomaaliya ama ku jira gacanta dowlada.

Sharuucda Caalamka

Dalalka caalamka ee is dhaafsada maxaabiista waxay marka hore wada gaaraan heshiisyo isdhaafsiga maxaabiis oo loo yaqaan “…Extradition Treaty…”. Wadamada caalamka oo dhan ma wada laha waxaana jira dalal aan maxaabiista u dhiibin wadamada ay ka shaki qabaan in lagu dilo, tusaale dalalka Midowga Yurub qaarkood maxaabiista kuma wareejiyaan dalka ay xulafada yihiin ee Maraykanka, maadaama dalka Maraykanka uu weli isticmaalo xukunada dilka, waxayna badanaa ku xiraan maxbuuskii ay u gudbinayaan Maraykanka inaan lagu xukumi Karin dil.

Soomaaliya iyo Itoobiya

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dagaalo badan horey u dhexmareen weligiid ma wada gelin heshiisyo isdhaafsi maxaabiis “…Extradition Treaty…”, waxayse xubno kamid ah dowlada Federaalka oo u waramaya Horseed Media ay sheegayaan in bishii June ay labada dowladood go’aan ku gaareen isdhaafsiga maxaabiistaasi, inkastoo oo aan Heshiiskaasi Raysalwasaare Khayre usoo bandhigin Baarlamaanka Federaalka ah oo ah kan kaliya ee ansixin kara.

Farxadii Koobneyd iyo Shalaaygii danbe!

Bishii July ayey farxad u ahayd Soomaali badan markii in ka badan boqol maxbuus oo Soomaali ah la keenay magaalada Muqdisho, waxayna u ahayd guul siyaasadeed Raysalwasaare Khayre, balse arrintan ayaa hada u muuqata inay waji kale yeelatay.

“…Itoobiya hadiyad uma bixin maxaabiistii ay soo siideysay ee waxay ku bixisay heshiis isdhaafsi oo ay labada dal wadagaareen…” ayuu hadalkiisa kusoo koobay sarkaal ka tirsan xafiiska Raysalwasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa aan xusno.

Kulankii bishii June ee Raysalwasaare Khayre iyo dhigiisa Hailemariam Dessalegn ayuu hadal uu kasoo jeediyey Raysalwasaaraha Itoobiya ku ammaanay sida wanaagsan oo ay Dawladda federaalku ula macaamilaan maamul goboleedyada iyo xoojinta iskaashiga dhex mara dhinacyda Soomaalida.

Hadalkaas maaheyn mid iska yimid, waxayna Itoobiya ka dhabeysay labada hadal ee ahaa “..Xoojinta iskaashiga…” iyo waliba xiriirka dowlada Federaalka la leedahay maamulada kale ee Soomaalida.

Itoobiya ayaa ahayd midii ka danbeysay in Maamulka Galmudug laga codsado inuu soo qabto sarkaalkii ka tirsanaa ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] oo ay ciidamada Galmudug kasoo qabteen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Federaalka oo iyaduna ka dhabeenaysa heshiiskii bishii June ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] ku wareejisay dowlada Itoobiya, balse maadaama aan heshiiskii June aan Shacabka Soomaalida iyo Baarlamaanka aan loo soo bandhigin ayey dowlada Federaalka diiday inay war cad kasoo saarto dhiibida muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

Waji Gabaxii Dowlada Federaalka

In kastoo Federaalka Soomaaliya qarinayey heshiiskii bishii June Raysalwasaare Khayre u saxiixay Itoobiya ayey hadan arrintan si dadban u fashilisay isla dowlada Itoobiya oo xaqiijisay in uu heshiiskaasi jiro.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda VOA qeybta Afka Amxaariga ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“…Waxaan kuu xaqijiyay in Itoobiya loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Soomaaliya. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah…” ayuu yiri Wasiirkaasi u hadlay Itoobiya.

Su’aalaha dhinaca Sharci

Maadaama heshiiska Raysalwasaare Khayre la sheegay inuu la galay Itoobiya ee isdhaafsiga Maxaabiista aan lasoo soo gudbin Baarlamaanka Federaalka oo ah kan laga rabo inuu ansixiyo ama meel mariyo (Ratification of the treat) sidee buu sharci ku noqon karaa?

Hadiise dowlada Federaalka ay dhaqan gelisay heshiiskaasi aan la ansixin xukun caynkee ah ayey muteysan karaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii fuliyey?.

W/Q Maxamed Cismaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.