Kenya oo bilowday qorshe ay Somalia uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharaxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay Kenya u wadaa Raila Odinga, waxayna bilowday wada-hadallo ay Soomaaliya ugu qancineyso inay taageerto ninka ay u wado kursigaas.

Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay Soomaaliya intii lagu guda jiray kulankii shalay dhex-maray madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare oo maalmihii dambe ku sugnaa Nairobi.

“Waxaa u ololeynayna in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan,” ayuu sheegay.

Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji Aadam, sida uu sheegay Korir Sing’oei oo ah xoghayaha gud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Sidoo kale waxa uu sarkaalkan tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay taageerto codsiga Kenya, xilli ay dhawaan Fowsiya taageero horleh u heshay musharaxnimadeeda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028.

Kenya ayaa sidoo kale qorsheynaysa wareeg kale oo wada-hadal ah oo ay la yeelato dowladda Jabuuti, oo ayadna horraantii bishaan ku dhawaaqday musharraxeeda guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay taageero wayn ka heshay ku dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay dadaalka dowladda ee kursigaasi.

Wasiirka ayaa markaas tilmaamay in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxnimada Fowsiya Yuusuf Xaaji oo metaleysa Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qorshaha Kenya, ayada oo la xasuusto in Soomaaliya ay horey xilal noocaan ah ay u dhaafsatay masaalix ay ku sheegtay inay muhiim u yihiin dowladnimada, kuwaasi oo kal hore uu buuq xooggan ka dhashay.