Ujeedka shir Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir gaar ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali, waxaana shirka loogu magac daray wadatashiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa si gaar ah kulankan diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga qaran (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Ugu hirreyn waxaa madasha ka hadlay maareeyaha hay’adda NIRA Cabdiweli Timacade  oo sharaxay ujeedada kulankooda, isaga oo sheegay in muhiimadda shirkooda uu yahay ka tala gelinta maamul goboleedyada nidaamka aqoonsiga qaranka iyo sidii adeegaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka.

Dhankooda wakiilada ka socday maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan nidaamka diiwaangalinta  Aqoonsiga Qaranka oo hadda dooneyso dowladda dhexe in la gaarsiiyo xarumaha maamullada dalka.

Qorshaha diiwaan-gelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah in sanadkan 2024 lagu diwaan galiyo 5 Million oo qof, sidoo kalana dalka laga hirgaliyo 86 xarumood.

Dowladda federaalka ayaa wadda qorshayaal ballaaran oo ay ugu horreyso qabasho doorasho qof cod ah, waxka qabashada ammaanka iyo arrinta dastuurka oo haatan ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay ka biyo diideen xubnaha mucaaradka iyo Puntland.