Geerida Malaaq lagu naaneysi jiray ‘AK-47’ ee muddada dheer ka tirsanaa Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay waxa hawlgal qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladdu ay ku dileen Malaaq Cabdillaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori) oo ahaa odey dhaqameed muddo dhawr iyo toban sano ah ka tirsanaa Al-shabaab.

Hawl-galka oo ka dhacay tuulada Garasweyne oo qiyaastii 55 km waqooyi uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa si gaara loogu bartilmaameedsaday Malaaq Qori, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha samafalka gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed.

‘’Waad ogtahay annaga ka dawlad ahaan nimankan dagaal baa naga dhaxeeya khawaarijiyiinta ah, si guud iyo si gaar ahaaneedba dagaal ayaa naga dhaxeeya, marka qorshahaas waa loogu tala-galay in ninkaas la bartilmaameedsado, ciidamada dawaladdu ay bartilmaameedsadaan, meel alla meeshii uu joogo in lagu bartilmaameedsado ayaa lagu balamay, waana loogu talagalay Ilaahay mahaddiina waa lagu guuleystay ninkii isaga ahaa gurigiisaa loogu tagay, gurigiisaa lagu soo dilay,’’ ayuu yiri Maxamed Macalin.

Guddoomiyaha mar aan weydiinay haddii ay cid kale waxa ku noqotay weerarka waxa uu ku jawaabay in kaliya malaaqa la khaarajiyay oo aanay cid kale wax ku noqon.

Malaaq Qori iyo taariikhdiisa malaaqnimo

Malaaq Cabdillaahi Maxamed Yare waxaa xil dhaqameedka Malaaqnimo loo magacaabay dhawr iyo toban sano kahor markaas oo ay deegaanka xukumayeen Al-shabaab, iyagana dadka u xulay si ay afkaartooda ku aadan qabiilka uu ka dhashay u dhexmarsadaan.

Inta uusan noqon malaaqa waxa uu ahaa nin reer miyi ah oo beeraha ka shaqeysta.

In kastoo aanay xulan reerka uu ka dhashay, haddana deegaannada reerkiisu dagan yihiin ee ay gacanta ku hayeen al-ahabaab, isagaa looga dambeyn jiray, oo go’aannada reerka lahaa, isagoo ku tiirsan awoodda ururka uu ka tirsanyahay.

Markii laga saaray al-Shabaab magaalada Xudur iyo degmooyinka kale ee gobollada Bay iyo Bakool, waxa uu horey u sii raacay dagaalamayaasha kooxda, waxana uu ku noolaa tuulooyinka iyo miyiga gobolladaas oo qaarkood wali maamulaan al-Shabaab, wuxuna sii watay xil dhaqameed kiisa reerka ee deegaannada kooxdu xukunto.

Malaaqa iyo shaqooyinkii uu u hayay Al-Shabaab muddadii uu ka tirsanaa

Tan iyo markii ay kooxdu u caleema saartay Malaaqa qabiilka uu ka dhashay waxa uu la qabtay al-Shabaab hawlo badan oo ay kamid ahaayeen; isku xirka qabiilka iyo kooxda, askareynta caruurta iyo u qoridda ciidamo ururka uga qayb gala dagaallada ay kula jiraan ciidamada dawladda iyo kuwa shisheeye ee jooga Soomaaliya.

Malaaq Qori waxa kale oo uu kaalin weyn kulahaa go’doominta degmooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa ATMIS ee gobollada Bay iyo Bakool, gaar ahaan degmada Xudur oo dhawr iyo toban sano go’doon ku jirta, loona diiday in xitaa badeecadaha qutul daruuriga ah galaan.

Waxa kale oo uu kaalin ku lahaa in dadka miyiga iyo tuulooyinka ku nool laga ururiyo lacagaha kooxdu u taqaano sakawaadka.

‘’Ninkaas waxa uu ahaa nin deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool saxiixay in la go’doomiyo, muddadaa dhawr iyo tobanka sano ah ee uu gobolku go’doonka ku jiray, ninkii ka shaqeeyay ee dadkaa u diiday nolosha ayuu ahaa’’ ayuu yiri gudoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Xudur, haddana la taliye sare ka ah wasaaradda amniga ee Koonfur Galbeed Aadan Cabdi Baarey.

Malaaqa iyo naaneysta qoriga

Malaaqa la dilay oo la yiraahdo Cabdillaahi Maxamed Yare, waxa al-Shabaab dhexdooda looga yiqiinay Malaaq Qori, iyadoo sababta taa loogu bixyeyna ay tahay isagoo mar walba qori AK-47 garwaaxsanaan jiray, marka uu joogo shirarka iyo marka uu dhex socdo deegaannada kooxdu maamusho, sida aan ka soo xigannay dad deegaanka ah.

Muddada ay go’doonka ahayd Xudur waxa adkaa nolosha dadka kunool oo ku tiirsan kaliya badeecaddaha ganacsi iyo kuwa gargaarka ee lagu gaarsiiyo diyaaraddaha, taasina waxa ay dhawr jeer qarka u saartay in macluul looga dhawaaqo.

Dadka deegaanka ayaa rumeysan in dhawr jeer oo kooxdu damacday in go’doonka laga qaado magaalada Xudur uu isagu ka hor yimid sida uu sheegay gudoomiyaha samafalka gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed.

‘’Go’doominta isagaa ka masuul ahaa, waxna laga weydiin jiray, dhawr jeer ayaa laga fariistay dhibaatada go’doominta iyo jidadka la gooyay ha loo furo maadaama jidadka kale ee deegaamada kale ee Soomaalidu degan tahay ay furan yihiin Shabaabna ay joogaan, gobolkan Bakool kaliya yaa la bartilmaameedsan, wax badan ayay arintaas Shabaab gudahooda ka shaqeeyeen, ninka diiday oo nimankan jid looma furayo yiri oo diiday oo ku gacan seyray isaguu ahaa.’’ ayuu yiri Maxamed Macalin.

BBC