Afhayeen cusub oo loo magacaabay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta digreeto soo saaray ayaa afhayeen cusub u magacaabay wasaaradda, isaga oo xilkii ka qaaday afhayeenkii hore, Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood.

Wasiirka ayaa xilkan u magacaabay X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud oo ah sarkaal dhalinyaro ah, horayna u ahaa madaxa wacyi-gelinta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka loo sameeyay magacaabistan ayaa wasaaraddu waxa ay ku sheegtay sidii loo dardar-gelin lahaa howlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socda dalka, sida lagu caddeeyay qoraalka.

“Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa afhayeenka cusub X/le Abuukar Maxamed kula dardarmay dardargalinta waajibaadka shaqada  Qaran ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay janeraal Cabdullaahi Cali Caanood oo horay xilkan u hayay, isaga oo ku ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xafiiska joogay.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ah halka la’isaga daba rido howlgallada iyo dhaq-dhaqaaqa ciidamada, waxayna mar weliba shacabka la wadaagtaa xogaha howlgallada ay sameeyeen ciidamada kala duwan ee Xoogga dalka ee howlgallada ka wada gobollada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana lagu xorreeyay dhul aad u ballaaran.