XAMZA oo saddex arrin la wadaagay ganacsatada Soomaalida ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ganacsatada Soomaalida ee Kenya kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uuna uga mahad-celiyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ganacsatada ayaa dhankooda la wadaagay ra’iisul wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.