28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DF Soomaaliya oo wafdi u dirtay Itoobiya iyo xogta kulan ka dhacay Addis Ababa

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi sare u dirtay dalka Itoobiya, kaasi oo magaalada Addis Ababa uga qeyb-galay shir u dhaxeeya labada dowladood.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ayaa waxay ka qeyb-galeen shirka dib-u-eegista dhexe ee guddiga farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada ee Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa

Labada dhinac ayaa diiradda saaraya kordhinta iskaashiga labada shacab, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, xoojinta waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo iskaashiga dsugidda amniga iyo wadajirka gobolka.

Maxamed Isaaq Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ka hadlay shirka ayaa xusay in wada-hadalladu ay xooga saari doonaan xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta uu socdo shirka in lagu eegi doono arrimaha amniga, horumarka iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab si loo xoojiyo iskaashiga.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Zerihun Abebe ayaa furitaanka shirkan ka sheegay in shirkan uu gogol xaar u yahay sidii looga wada hadli lahaa arrimo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Waxa uu xusay in laga doodi doono fursadaha iskaashi ee cusub oo ay ka mid yihiin: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha iyo weliba duulista rayidka.

Shirka labada dhinaca ayaa diiradda saaraya iskaashiga siyaasadda, amniga, ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska, warbaahinta, waxbarashada, caafimaadka iyo adeegga hawada iyo duulimaadyada.

Shirkan ayaa imanaya maalin kadib markii Dowladda Itoobiya ay Muqdisho uga dhawaaqday in cutubyada ugu horreeya ee ciidanka howl-galka AUSSOM ee dhankooda ka imaanaya ay ka dhigayaan kuwa badda, isla markaana ay diyaariyeen maraakiib, doonyo iyo guud ahaan agabkii ay ciidankaasi ku hawl-geli lahaayeen.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dood yaab leh ku soo bandhigay shirweynaha talisyada ku bahoobay Ururka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika ee ESF oo ka socda Muqdisho, iyagoo lasoo baxay heshiis ay sheegeen in dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa, markii la qeybsanayey ciidanka AUSSOM, xilligaas oo Soomaaliya ay ogolaatay in ciidamada loo soo dirayo ay ka mid noqonayaan kuwa badda.

Saraakiisha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga iyo Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa si adag u diiday qorshaha Itoobiya ay Soomaaliya ku keeneyso ciidankeeda badda.

Ajendaha shirkaas ayaa markii hore ahaa xal u helidda caqabadaha ku xeeran nabadgelyada gobolka, ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha dalalka ku midoobay ururkan iyo iskaashiga dhanka ciidamada, balse Itoobiya ayaa damaceeda ku soo gudbisay shirkaasi, oo shalay ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan kadib diidmada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News