DF Somalia oo war kulul kasoo saartay ‘gantaal lagu ganay magaalada Makkah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u dhaleeceysay gantaal la sheegay in kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay u rideen dhanka magaalada Makka Al Mukarama.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna caddaynaysaa in beegsiga Aqalka Allah ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna u aragtaa fal dembiilinimo iyo dabeecad shirqool oo ka dhan ah goobtaasi barakaysan.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda”

Kooxda Xuutiyiinta ayaa beenisay eedeumaha Sacuudiga, oo ahaa inay gantaal kusoo tureen magaalada barakaysan ee Makkah.

“Maamulka Sacuudiga waxa uu, isaga oo adeegsanaya eedeymahan, isku dayayaa inuu taageero u raadiyo gar-darrada foosha xun ee ka dhanka ah shacabkeena Yemen” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea oo qoraal soo dhigay facebook.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya