Sawirro: DF Soomaaliya iyo ITU oo maanta heshiis muhiim ah kala saxiixday

Manama (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU heshiis muhiim ah kula saxiixatay caasimadda dalka Bahrain ee Manama oo uu ka socdo shirka horumarinta Isgaarsiinta ee waddamada Carabta.

Heshiiskan ayaa ku saabsan dhanka Horumarinta Isgaarsiinta, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliya.

Bayaanka wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen wasaaradda iyo ururka ururka caalamiga ah ee ITU uu door weyn ka qaadanayo casriyaynta hannaanka Isgaarsiinta dalka.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Jaamac Xasan Khaliif, halka uu dhanka ITU u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta ee Isgaarsiinta Dr Cosmas Luckyson Zavazava.

“Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU iyo Wasaaradda ay iska kaashan doonaan dhinacyada Horumarinta Isgaarsiinta, ICT-da, siyaasadda dijitaalka ah, nidaaminta xirfadaha dijitaalka ah iyo kobcinta awoodda, kaabayaasha isku xirnaanta, dhisidda kalsoonida isticmaalka adeegyada dijitaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Isgaarsiinta.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa sidoo kale faah-faahiyay faa’iidada uu Soomaaliya u leeyahay heshiiskan cusub.

“Heshiiskan waxaa looga faa’iideesanayaa in kor loo qaado hannaanka casriyeynta iyo isbeddelka Soomaaliya, kaas oo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna kobciyo isbeddelka horseedaya horumar waara oo Teknoolojiyadda iyo Dijitaalka ay sal u yihiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.