Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, kadib markii ay soo baxday khariidad cusub oo muran dhalisay, taas oo la sheegay inay soo saartay ‘wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
Doodda ayaa ka dhalatay, kadib markii dhowaan wasaaradda ay soo saartay qorshaha qaran ee caafimaadka oo lagu magacaabo Somali National One Health Strategic Plan (2025–2029), waxaana lagu daabacay khariidad ku jirta bogga 13-aad ee qorshaha, taas oo ‘lagu muujiyey in gobolka Mudug si buuxda loogu daray maamulka Galmudug’ iyada oo meesha la gaaray qaybtii ka tirsaneyd Puntland, sida ay ku warantay warbaahinta.
Waxaa sidoo kale ka maqan khariidada la baahiyay gobolka Sanaag, oo intiisa badan ka tirsan Puntland, balse lagu daray Somaliland.
Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay eedeyntan, waxayna tilmaamtay Khariirada la baahiyay in aysan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in wasiir Cali Xaaji Aadan aanu saxiixin siyaasado Qaran oo kama dmnbays ah oo ay ku jirto Khariiradan.
“Wasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in sawirka Khariirada (Map) ee la baahiyay uusan ka tarjumaynin aragtida siyaasadeed ee Wasaaradda, waxaan si cad u muujinaynaa in aysan jirin siyaasado Qaran oo kama danbays ah ee uu Wasiirka Caafimaadka saxiixay oo ay kujirto Khariiradan”. ayaa lagu yiri bayaan deg-deg ah oo ay faafisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sawirka Khariiradan oo ay warbaahinta qaar baahiyeen wuxuu muujinaya aragtiyo aan rasmi ahayn oo siyaasadaha iyo qorsha-yaasha caafimaadka dalka aanay ka mid ahayn”.
Dhinaca kale, wasaaradda caafimaadka ayaa farriin culus u dirtay warbaahinta, waxayna ugu baaqday inay si taxadar ah u hubiyaan warbixinnada ay sii deynayaan, si looga fogaado, faafinta warar been abuur ah.
“Waxaan ku boorinaynaa in dhamaan warbaahintu ay si taxadar leh u baaraan macluumaadka ay soo bandhigayaan, si looga fogaado faafinta warar khaldan oo saamayn ku yeelan kara bulshada, waxayna wasaaradda Caafimaadka masuuliyad ka saaran tahay in ay la wadaagto bulshada xogta saxda ah iyo horumarada la xiriira Caafimaadka dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf culus oo siyaasadeed, kaas oo gebi ahaan sameeyay wada shaqeyntooda oo meesha ka baxday.