Cadan (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Yemen oo isugu yimid kulan laba geesood ah ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaallanka tahriibka sharci darrada ah oo muhiim u ah labada dal.
Kulankan oo si gaar ah u dhex-maray safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen Cabdulxakiim Maxamed iyo wasiirka gaashaandhigga dalkaasi ayaa ka dhacay magaalada Cadan, waxayna ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
Intiisa badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, si ay u yeeshaan wada shaqeyn dhow.
Waxaa kale oo wada-hadallada lagu soo qaaday sidii looga hortagi lahaa tahriibka sharci darrada ah ee dhibaatada ku haya lada dal iyo kooxaha argagixisada ee ka faa’iideysta dhaq-dhaqaaqyadaas, maadaama ay isaga kala gooshi karaan lada waddan.
Sareeye Gaas Mohsen Al-Daari oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola tacaalo khataraha amni ee gobolka, si loo sugo xasilloonida iyo nabad-gelyada marin biyoodka badda ee istiraatiijiga ah.
Dhankiisa Danjiraha Soomaaliya ee Yemen ayaa uga mahadceliyay dowladda dalkaasi taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta labada dowladood.
Soomaaliya iyo Yemen ayaa haatan wajahaya caqabado waa wayn oo la xiriira amniga badda iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee ka jira gobolka.
Wada-hadalladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay haata doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay dhowaan shaaca ka qaadeen Falanqeeyayaasha ku xeeldheer arrimaha amniga.
Inkastoo kooxahaan ay kala yihiin Shiico iyo Suni, ayaa waxaa haddana xiriirkooda loo sababeynayaa in Al-Shabaab ay aad u rabaan hub casri ah, halka Xuutiyiintu ay daneynayaan inay awood u yeeshaan maamulka Badweynta Hindiya.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ka fikireysaa sidii ay uga hortegi laheyd in xiriirka Al-Shabaab iyo Xutiyiinta uu dhaqan galo, iyadoo kaashaneysa caalamka.


