27.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

DF oo beenisay arrin laga faafiyay oo la xiriirta Iiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay xaaladda kasoo korortay Iiraan iyo dagaalka kusii fidaya Bariga Dhexe, iyadoo caddeysay mowqifkeeda.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si rasmi ah u beenisay in ay taageero u muujisay Iiraan, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaamtay warqad si weyn laga faafiyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

Bayaan luqadda Carabiga ku qoran oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda, isla markaana ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu sheegay in warqadda cinwaankeedu yahay: “Soomaaliya oo dib u xaqiijisay taageeradeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran” ay tahay mid been abuur ah, isla markaana aanay wasaaraddu soo saarin.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa caddeysay mowqifka rasmiga ah ee Soomaaliya, waxyana si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka, kuwaas oo ay ku tilmaamtay kuwo sharci-darro ah oo aan la aqbali karin.

Iiraan ayaa duqeymo ku garaacday dhammaan waddamada Khaliijka, iyadoo beegsatay saldhiyada Mareykanka ee ku yaalla dalalkaasi, waxaase ka dhashay khasaare gaaray shacab iyo burbur hantiyeed oo xooggan.

Xaaladda ayaa weli qasan, waxaana qaraxyo kale oo waa wayn maanta laga maqlay waqooyiga gobolka, gaar ahaan waddamada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo ay ku dhaceen gantaallo ay ridday xukuumadda Tehraan.

Si kastaba, Iiraan ayaa hadda wajaheyso xaalad adag, iyadoo jahwareer uu ka dhashay dilka hoggaamiyihii sare ee dalkaasi Aayatullaahi Cali Khamenei oo ku baxay gacanta Mareykanka iyo Israa’iil oo wadajir ah u qaaday howlgalka lagu dilay.

Geerida Khamenei ayaa shaki weyn gelineysa mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxayna gobolka u horseedaysaa halis cusub oo xasillooni-darro ah.

- Advertisement -

Read more

Local News