DF Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shirka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada Somalia oo maalmahaani ka socday magaalada Kismaayo.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in mar waliba ay soo dhaweyneyso shirka Seddexda maalin ka socday magaalada Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Somalia Daahir Maxamuud Geelee oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba diyaar u tahay inay soo dhaweyso mowqifyada kasoo baxa shirka.

Wasiir Daahir Geelle, waxa uu sheegay in Madaxda halkaasi ku shireysa ay yihiin kuwa matalaya Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana shir ay qabsan karaan mowqifka dowlada Soomaaliyana uu yahay inay soo dhaweeyso.

Waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in dowlada Somalia sidoo kale ay shirar kale oo waaweyn ay ka dambeyn doonaan kan ka dhacay Kismaayo, iyadoo laga duulaya danaha dalka iyo dadka.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirku sheegay in dowlada Somalia aysan diyaar u aheyn naqdinta shirarka maamulada iyo kuwa kale ee lagu hagaajinaayo dalka ama lagu saxaayo khaladaadka jira.

Geesta kale, dhinacyada aadka uga soo horjeeda shirka ayaa qaba in shirka Golaha Iskaashiga uu caqabad weyn ku yahay dowladda Somalia maadaama inta badan Madaxda Shirkaas furitaankiisa ay aad u dhaliileen DFS.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com