DF oo ciidamo horleh ka dajisay B/Weyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo horleh u dirtay gobolka Hiiraan oo haatan laga dareemayo xaalado amni, kadib qaraxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor oo diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa goordhow laga dajiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Saraakiil ka tirsan qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa ciidamadaan kusoo dhoweeyey garoonka magaalada Beledweyne, waxayna u mahad-celiyeen madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo aad u qalabeysan loogu tala-galay inay ka qayb qaataan howlgallada dib xoreynta ee ka socdo gobolka Hiiraan, waxayna xoojin doonaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ee ka howlgala halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in saacadaha soo socdo ciidamo kale laga dajin doono Beledweyne, si duulaan loogu qaado deegaanada ay heystaan Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadayo, maalin kadib markii saddex qarax oo ismiidaamin ahaa ay Shabaab ka fulisay xerada Lamagalaay kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u noqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano horleh looga qabsaday kooxda, isla-markaana lagu gaarsiiyey khasaare xoogan.