Muqdisho (Caasimada Online) — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya ayaa shirkadda Meta ka dalbatay inay dib u dhigto hirgelinta adeegga cusub ee WhatsApp ee dadka u oggolaanaya inay isticmaalaan “username” halkii ay lambar taleefan ka adeegsan lahaayeen, iyadoo ka digtay khataro dhanka amniga, asturnaanta iyo maaliyadda ah.
Hay’adda NCA ayaa sheegtay in adeeggan, haddii aan si taxaddar leh loo maamulin, ay ka faa’iideysan karaan kooxaha dambiyada internet-ka, tuugada dadka iska dhigta iyo kooxaha argagixisada, kuwaas oo adeegsan kara magacyo dadweyne oo aan si adag loo xaqiijin.
“Ka hor inta aan adeeggan laga hirgelin Soomaaliya, waxaan Meta ugu baaqeynaa inay nala gasho wadatashiyo farsamo, ayna hirgeliso tallaabooyin adag oo lagu ilaalinayo asturnaanta dadka isticmaala, loogana hortagayo si xun u adeegsiga,” ayay NCA ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.
Adeegga cusub ee WhatsApp usernames ayaa dadka u oggolaanaya inay samaystaan magac gaar ah oo ay dadka kale kula xiriiri karaan, iyada oo aan si toos ah loo bixin lambarkooda taleefanka.
Meta ayaa arrintan u aragta tallaabo lagu xoojinayo asturnaanta dadka isticmaala WhatsApp, balse dalal qaarkood ayaa walaac ka muujiyey in adeeggu abuuri karo fursado cusub oo khiyaano iyo iska dhigid ah.
NCA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay dammaanad cad ka hor inta aan adeeggan laga bilaabin dalka. Hay’addu waxay si gaar ah u xustay baahida loo qabo nidaamyo lagu xaqiijinayo aqoonsiga, qalab lagu joojinayo xadgudubyada, iyo habab lagu kormeero magacyada si looga hortago in dad ama hay’ado rasmi ah lagu daydo.
Walaaca ugu weyn ayaa la xiriira xaaladda gaarka ah ee Soomaaliya, halkaas oo WhatsApp si ballaaran loogu isticmaalo isgaarsiinta bulshada, ganacsiga iyo adeegyada maalinlaha ah. Hay’addu waxay sheegtay in magacyo dadweyne oo aan la xaqiijin ay khatar gelin karaan dadka isticmaala, gaar ahaan marka lala xiriiriyo lacagaha moobilka.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee sida ugu badan looga isticmaalo adeegyada mobile money-ga, xilli nidaamka bankiyada rasmiga ah uu weli yahay mid kobcaya. Qiyaaso hore ayaa muujiyey in bishii la diiwaangeliyo ku dhawaad 155 milyan oo macaamil lacageed, kuwaas oo qiimahoodu gaarayo $2.7 bilyan, halka in ka badan 70 boqolkiiba dadka waaweyn ee Soomaalida ah ay si joogto ah u isticmaalaan lacagaha moobilka.
Taasi waxay ka dhigeysaa in khalad yar oo dhanka aqoonsiga ah uu si degdeg ah isugu beddeli karo khasaare maaliyadeed oo ballaaran. NCA ayaa ka digtay in qof adeegsada username u eg magaca hay’ad dowladeed, bangi, shirkad isgaarsiin ama qof caan ah uu si fudud u khiyaanayn karo dad badan, haddii aan la helin nidaam adag oo lagu kala saarayo aqoonsiyada rasmiga ah iyo kuwa been-abuurka ah.
Tallaabada Soomaaliya ayaa timid maalmo kadib markii Hindiya ay Meta ka dalbatay inay hakiso hirgelinta adeeggan, iyadoo sheegtay in username-yada ay kordhin karaan khiyaanada internet-ka, xatooyada iyo in dad ama hay’ado lagu daydo. Hindiya waa suuqa ugu weyn ee WhatsApp, waxaana app-kaas isticmaala boqolaal milyan oo qof.
WhatsApp ayaa dhankeeda sheegtay in adeegga username-ka uusan weli si buuxda u shaqeyn, isla markaana si tartiib ah loo baahin doono dabayaaqada sanadkan. Shirkaddu waxay sheegtay in dadka la ogeysiin doono marka adeeggu ka furmo dalkooda, islamarkaana username-yada yihiin ikhtiyaari.
Meta ayaa sidoo kale sheegtay in adeeggu yahay mid loogu talagalay in lagu ilaaliyo asturnaanta dadka isticmaala, gaar ahaan kuwa aan doonayn in lambarkooda taleefanka ay si fudud u helaan dad aysan aqoon. Si kastaba, dalalka walaaca muujiyey ayaa ku adkeysanaya in asturnaanta aan laga dhigi karin mid wiiqaysa amniga, ilaalinta dadka isticmaala iyo la dagaallanka dambiyada internet-ka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegtay inaysan diidaneyn hal-abuurnimada teknoolojiyadda, balse ay doonayso in adeeg kasta oo cusub uu la jaanqaado duruufaha Soomaaliya iyo khataraha ka jira dalka.
“Waxaan taageersannahay horumarka adeegyada dijitaalka ah, balse waa in aan hubinnaa in adeegyadaas aysan dadka Soomaaliyeed u horseedin khataro cusub,” ayay hay’addu sheegtay.
Doodda ka dhalatay WhatsApp usernames ayaa muujineysa loollan sii kordhaya oo u dhexeeya shirkadaha teknoolojiyadda ee doonaya inay xoojiyaan asturnaanta dadka isticmaala iyo dowladaha doonaya in la ilaaliyo amniga, traceability-ga iyo ka hortagga khiyaanada.
Soomaaliya, arrintu waxay si gaar ah muhiim ugu tahay sababta oo ah WhatsApp iyo mobile money labaduba waxay noqdeen qeyb ka mid ah nolosha maalinlaha ah ee shacabka, ganacsatada iyo hay’adaha. NCA ayaa sidaas darteed ku adkeysanaysa in Meta aysan adeeggan dalka ka bilaabin ilaa laga helo wadatashi farsamo iyo ilaalin cad oo ka hortagta si xun u adeegsiga.

