DF oo qaaday tallaabo mar kale fursad siineysa KENYA

Nairobi (Caasimada Onlin) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo markale fursad siineyso dowladda Kenya, taas oo la xiriira Qaadka Miiraa ee ay ganacsatada dalkaas maalin weliba u soo dhoofiyaan gudaha waddanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay haatan ogoaalatay in Kenya ay sii laba jibaarto Qaadka ay u soo dhoofiso magaalada Muqdisho, taas oo fursad muhiim ah u ah ganacsatada iyo beeraleyda Jaadka ee waddankaas.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kor u kac u sameeyay Qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya , isla-markaana la gaarsiiyay illaa 50 tan.

Sidoo kale madaxa dalaga Miiraa Felix Mutwiri oo arrintan ka hadlay ay sheegay in markii hore ay maalintii soo dhoofi jireen 19 tan maalintii, balse hadda kor loo qaaday illaa 50 tan.

“Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii,” ayuu yiri Mr Mutwiri.

Arrintan ayaa ah mid dhiirri galinayso ganacsatada Kenyaanka ah, kuwaas oo go’aankan ka hor ku qasbanaaday in ay suuq kale u raadiyaan wax soo saarkooda Qaadka Miiraa kaas oo halkii kiilo Soomaaliya ka maraya 23 dollar, balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 dollar oo ay ka heli jireen ka hor sanadkii 2020-kii.

Bishii Luulyo  ee sanadkii hore ee 2022-kii ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo soo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020-kii.

Tallaabadaan ayaa u muuqata mid sii dhaqaajineysa fursadaha Kenya ee Soomaaliya, halka muwaadiniinteena ay weli ku dhiban yihiin Visaha ama dal ku galka Kenya, taas oo qayb ka hayed heshiisyadiii ay labada dowladood ku gaareen Nairobi ee lagu soo fasaxay Qaadka.

Si kastaba, arrimahan waxa ay yimaadeen, kadib doorashadii 15-kii May ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.