Korneyl Shuute oo xog yaab leh ka bixiyay kiiska 150 qof oo dil lagu xukumay balse…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay shaaciyay in 150 qof oo maxkamadda ay xukuno dil ah ku riday sanadkii hore ee 2022-ka aan illaa hadda lagu fulin xukunkii.

Guddoomiye Shuute ayaa sababta u weyn ee xukunadaasi sidooda ugu fuli waayeen ku sheegay in gadaal iska badalaan dadka dhibanayaasha ah ee maxkamada dambiilaha ugu xukuntay dilka toogasho.

“Dilalka ka dhacay gobolada iyo magaalada, sanadkii tegay 150 qofood ayaa maxkamadda la horkeenay oo loo haysto inay si bareer ah dad u dileen. Dadkaas waxaa cadaatay kala bar in bareer u dileen oo maxkamaddana waa ku xukuntay dilkaas, laguma fulin – Maxaa dhacay? waxa dhacda in marka warqada qisaasta laga qoraya dadkii loo dili lahaa, wuxuu ku leeyahay isug ninkaan diyo ayaa ka qaadana.”

Waxa uu sheegay in arrintaan ay dhiira-gelisay inuu sii socdo dilka, maadama kuwii hore dilalka u geystay ee la xukumay gadaal laga sii deynayo, kadib markii ay heshiis banaanka kusoo gaareen labada dhinac.

“Adiga shalay sow warbaahinta kama qeylineyn, oo sow maad laheyn wiilkeyga iyo walaalkay dhibaato ayaa loo geystay cadaalad darro ayaa tirsana, hadda wixii markii ay ku sugnaadeen miyaa diidi kartaa,” ayuu yiri.

“Wuxuu leeyahay hada warqad iga qoreyso iga qabo warqada Nootaayadan heshiis ayaa kusoo galnay, ninkaan dhintay markuu noola lacag aan ka heli jirin ka badan aan ka helnay, hadda diyo ayaa naloo ogolaaday. Sharciga ayaa noo ogol in aan cafino, qisaasano ama diyo ka qaadano, hada toogato anaga nooma toogan lacagtii waa haysana, hada wax naga qoreysana in aan cafinay ayaa naga qoraysaa.”

Guddoomiye Shuute ayaa ugu baaqay bulshada rayidka iyo culimada Soomaaliyeed in ay tallooyin ka bixiyaan arrintaan, dadkana ka wacyi-galiyaan si dilka uga istaago dadka.

“Maxkamadda haddii maanta xukunto oo berri xukunto, maxkamadda marka hore macno darro kuma xakumin, marka dambena meel cidlo ah kama toogan karto,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.