29.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Dowladda Soomaaliya oo ruqsaynaysa askarta lagu helo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciidanka dowladda ka saareyso askarta lagu helo isticmaalka maandooriyaha.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa dhankiisa shaaciyay in isbeddel ballaaran lagu sameeyay ciidanka asluubta, isagoo xusay in si adag loola tacaalay askarta isticmaasha walxaha maanka dooriya iyo kuwa ku lugta leh iibinta hubka.

Taliye Shub ayaa hoosta ka xarriiqay in inkasta oo tirada ciidanka asluubta ay ka yar tahay kuwa kale, haddana tayadoodu tahay tan ugu muhiimsan, maadaama ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga iyo ilaalinta nidaamka gudaha xabsiyada dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in askari kasta oo la ogaado inuu qarinayo xogta la xiriirta askari kale oo ku hawlan iibka hubka la ciqaabi doono, isla markaana laga ruqseyn doono shaqada.

Wuxuu ku boorriyay ciidanka in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana ay soo gudbiyaan warbixin kasta oo lid ku ah anshaxa iyo masuuliyadda shaqo.

“Waxaan ciidanka ka sifaynaynaa xashiisheenta iyo Aalkaluusta. Cid kasta oo lagu qabto waa laga saaraya ciidanka, waana arrin amar madaxweyne ku taagan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in la wado dhismaha iyo tayaynta ciidanka asluubta, isagoo caddeeyay in dhalinyaro cusub loo tababaray si ay u beddelaan saraakiisha da’da ah ee shaqada ka fariisanaysa, taas oo qeyb ka ah qorshaha lagu dhisayo ciidan casri ah oo tayo leh.

Dowladda Federaalka ayaa hore u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay soo celiso sharafka iyo qiimaha uu leeyahay ciidanka qaranka, oo sanadihii lasoo dhaafay si weyn u lumay kadib ficillada askarta qaar ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News