Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskii xabad-joojinta ee dalka Masar ku gaareen Israa’iil iyo Xamaas, kaasi oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa rajeysay in heshiiskan uu noqdo tallaabo dhab ah oo lagu gaarayo nabad caddaalad iyo dhammeystiran oo soo afjarta silica shacabka Falastiin, isla markaana xoojinaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.
“Mowqifkan mabda’a ah wuxuu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta sharciyadda caalamiga ah iyo qiyamka karaamada, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.
Xabbad joojinta Gaza ee shalay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo la gaaro tan iyo markii uu billowday dagaalka dhiigga badani ku daatay labo sano ka hor, waxaana rajo ka muujinaya labada dhinac inay si buuxda u soo afjaraan dagaalka. Ma cadda haddii wax dammaanad qaad caalami ah oo la siiyay si loo xaqiijiyo taas.
Heshiiskan ayaa imanaya kadib markii Mareykanka iyo dhex-dhexaadiyeyaal ka socda gobolka ay cadaadis ku saareen Israel iyo Xamaas inay soo afjaraan dagaalka baabi’iyay Marinka Gaza, kuna dhinteen tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, huriyayna colaado kale, isla markaana go’doomiyay Israel.
Cadaadiskaas ayaa suurageliyay heshiis ku saabsan wejiga koowaad kaasoo lagu sii deyn doono la-haystayaasha Israel ee weli nool maalmo gudahood, iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa mahadnaq qoto dheer oo ay u hayso dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ee horseeday heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Sharm El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.
Heshiiskaas ayaa ka kooban qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan xabbad-joojin, fududeynta gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo, sii deynta maxaabiista iyo dadka la xannibay, iyo dib u bilaabidda wadahadallada siyaasadeed ee hoos yimaada kafaala-qaad caalami ah.
Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan uu noqdo tallaabo dhab ah oo lagu gaarayo nabad caddaalad iyo dhammeystiran oo soo afjarta silica shacabka Falastiin, isla markaana xoojinaysa amniga iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageerada adag ee ay u hayso xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqooda ah inay dhistaan dawlad madax-bannaan oo suveraan ah.
Mowqifkan mabda’a ah wuxuu ka tarjumayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta sharciyadda caalamiga ah iyo qiyamka karaamada, caddaaladda, iyo wada noolaanshaha nabadeed.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa taageerada buuxda ee ay u hayso dhammaan dadaallada iyo hindisayaasha lagu difaacayo karaamada aadanaha, lagu xoojinayo ixtiraamka sharciga caalamiga ah, lana taageerayo dadaallada lagu hormarinayo xal caddaalad ah oo dhammeystiran oo ku saabsan qadiyadda Falastiin.

