27.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

“DF Somalia waxay hub isugu dhiibtay carruurteena iyadaana ka mas’uul ah”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Aadan Cabdi oo kamid ah Odayaasha ku sugan Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in dagaalka ka socda Guriceel uu yahay mid abaabulkiisu ay leedahay DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Hubka lagu dagaalamaayo ay bixisay dowlada islamarkaana uu ka dhashay Khasaaro kala duwan balse taasi ay mas’uuliyadeedu taxamuli doonto Dowlada Xassan Sheekh.

”Waa nasiib daro in madaxdii qaranka ay hubka isugu dhiibto Carruurteena, dagaalka dowlada ayaa abaabulkeeda leh, iyada ayaan ka sugeynaa inay joojiso”

Waxa uu Dowlada Somalia ugu yeeray inay joojiso faragelinta ay ku heyso dadka dega Gobolada Dhexe, inta ay faragelintaasi jirto, ayuu Odayga sheegay inaanay meesha ka bixi doonin dhibaatada la soo deristay dadka deegaanka.

“Maalmihii ugu dambeeyay Saraakiil ka socta DF ayaa kusoo laalabaneysay gurceel, waana la socnaa in mudooyinkaan dambeba hub u daabuleysay Gobolada Dhexe.”

Haddalka Cali Aadan, ayaa imaanayo xili maanta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay dib ula wareegen Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia oo maalin ka hor laga saaray Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News