Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Nuuradiin Xasan oo kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hogaamiyayaasha Puntland iyo Koofur galbeed ee Somalia kala garan la yihiin nidaam ahaan Dowladda ay hoostagaan.
Waxa uu sheegay in mar waliba oo ay la kulmaan Madaxda Qaranka ama ay ka caroodan DF ay u kictamaan Magaalada Addis-Ababa oo ay uga dacwoodaan Xasan Sheekh iyo dowladiisa.
Nuuradiin waxa uu sheegay in la kulankii Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha kadib ay u kala carareen Magaalada Addis-Ababa si ay Dowlada Ethiopia kala soo tashtaan fulinta codsiyada ay kala kulmeen Madaxweyne Xassan Sheekh.
Waxa uu ka digay in dalka ay u horseedaan gumeysi dadban, isagoona Madaxweyne Xasan ugu baaqay inuusan xariga usii deyn hogaamiyayaasha Gobollada.
Dhanka kale, waxa uu meesha ka saaray in maamulada kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed Somalia ay hoostagaan DF somalia, waxa uuna carabka ku dhuftay in Maamuladaasi ay ka amar qaatan Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]