“DF waxay saxaafadda u qeybisay kuwo laaluush ay siiso iyo kuwa ay caburiso”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha ururka saxafiyiinta Qaranka ee NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyay xukuumadda Soomaaliya.

Macalimuu ayaa si adag u weeraray xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay aheyd xukuumadii ugu qalafsaneyd ee soo marta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Macalimuu.

Wuxuu sheegay in Xukuumadda ay labo u qeybisay wariyaasha Soomaaliyeed , kuwaasi oo kala ah kuwo ay laaluushtay iyo kuwo ay caburisay, isaga oo tusaale usoo qaatay Wariye dhawaan ciidamada ay xireen oo muddo todobaad ah la weysaysan yahay.

Wariyaha oo lagu magacaabayay Nuur Ismaaciil Sheikh ayaa la sheegay in ciidamada NISA ay xireen, waxaana wali aan lasoo taagin wax maxkamad ah, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha loo heysto.

“Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre Saxaafadda Waxay u qaybisay Qaar ay u hanjabto iyo kuwa ay Laaluushtay,waana xukuumaddii ugu qallafsaneyd ee Saxaafadda Soo marta”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Ugu Dambeyn Macalimuu ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan inay waayaan xorriyadda hadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com