DFS oo ciidamadeeda ka qeybgalineysa Dhoolatus ka dhacaaya dalka dibadiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka qeybqaadan doona dhoolatus dalka Sudan loogu qaban doono ciidamo laga soo kala xulay 10ka dal ee qeybta ka ah Ciidanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika (EASF).

Tirada Ciidamada uu tababarka u furmi doono ayaa la sheegay inay gaari doonaan 1,000 Askari oo laga soo dhex xuli doono dhammaan dalalka ku mideysan Taliska Ciiddanka Heeganka ee dalalka Bariga Afrika.

Dhoolatuska ayaa la xiriira hawlgalladda Nabad ilaalinta iyo Ammaanka kaa oo lagu qaban doono Dekedda Port Sudan ee dalka Sudan, sida ay baahiyeen wargeysyada Khartoum.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 2 Asbuuc ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddamo ka kala socda dalalka Somalia, Sudan, Djibouti, Kenya, Ethiopia, Uganda, Burundi, Rwanda, Komoros iyo Seychelles.

Dhoolatuskan ayaa waxaa loogu wanqalay ”Mashariki Salaam 2”, kaa oo bilaaban doona bishan November 25-da.

Waxaa la xaqiijiyay in lasoo gabagabeynaayo Bisha December 3-da ee sannadkan.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska ”The Eastern Africa Standby Force (EASF)” ayaa lagu sheegay inay Ciidanka qaadan doonaan Tababaro dhinaca Rayidka, Boliska iyo Milliteriga, si loogu xoojiyo awoodooda ku adaan inay si degdeg ah uga hawlgalaan goobaha ay ka dhacaan Colaadaha ee dalalka Bariga Afrika.

Geesta kale, ciidamadan ayaa la qorsheynayaa in lasii xareeyo wakhti hore si ay usii helaan awood ay kula qabsan karaan Jawiga Sudan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com