25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: DF oo ka hadashay qaraxa & sii hayihii safaaradd UK oo ku dhintay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka hadashay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen ilaa afar qof 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka waxaa kaloo u sheegay in gacanta ku hayaan nin dhallinyaro oo la sheegay in uu ku jiray gudaha Hotelka kaasoo watay Computer Laptop oo wax yaabo ay ka qarxeen.

Dhinaca kale Afhayeenka DF Cabdiraxmaan Yarisow ayaa xaqiijiyay in Abdulkadir Ali oo loo yaqaano “Dhuub” oo ahaan jirey Sii Hayaha Safaarada Soomaaliya ee UK uu ku dhintay Qaraxii Caawa ka dhacay Hotel Maka Al-Mukaramma.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun, waxaa caawa magaalada Mogadishu ku geeriyooday Mudane Abdulkadir Ali oo loo yaqaano Dhuub oo ahaan jirey Sii Hayaha Safaarada Soomaaliya ee UK. Gacan ka xaq daran baa dishay oo qaraxii Makka Al-Mukarama buu u chintzy. Allaha u naxariisto Dhuub, janadii fardowsa Allaha ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkiisana Samir iyo Iimaan EEBBE ha ka siiyo,”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Ammaanka Hotelka iyo wadadda Makah Al-Mukaram ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo ka tirsan dowladda.

Hotelka Maka Al-Mukarrama ayaa wuxuu ku yaalla wado muhiim oo ay maamusho dowladda Soomaaliya, waxaana la dhisay dhawaan in kastoo uu ka mid ahaa Hoteladii caanka ahaa ee ku yiilay magaalada Muqdisho.

Wadadda Maka Al-Mukarrama ayaa la sheegaa inay tahay mida ugu ammaanka badan dalka Soomaaliya, waxaana gacanta ku heysa dowladda.

Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay qaraxa caawa ka dhacay Hotelka Al-Mukarrama.

qarax 1qarax 2qarax 3

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News