DF oo ku tilmaantay qaraxyadi xaley ka dhacay Muqdisho kuwa been abuur ah

Muqdisho (Caasimada Online)Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay madaafiic iyo qaraxyo habeenkii labaad laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka booliska Generaal Maxamed Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxyada laga maqlay magaalada ay ahaayeen kuwa macmbal ah oo been abuur ah, kuwaasoo aan geesan wax khasaaro ah.

Wuxuu sheegay oo kale in looga gun lahaa in la khakhal galiyo ammaanka magaalada si beesha caalamka loo tusu in ammaan aysan ahayn caasimada.

Wuxuu sheegay in qaraxyada ka dhacay magaalada in ay ahaayeen kuwa inta badan ay adeegsadaan ciidamada xilliyada ay tababbarka qaadanayaan iyo kuwa Filimada lagu jilo oo bug ah.

Wuxuu afhayeenka booliska tilmaamay in howgal laga sameeyay magaalada xaley markii qaraxyada ay dhaceen lagu soo qabtay in ka badan 50 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falalka ammaan darida ee magaalada ka soo cusboonaaday.

Marka laga soo tago hadalka afhayeenka booliska, waxaa xaqiiqo ah in xaley magaalada ay ku dhaceen hoobiyaal kuwaasoo khasaaso geestay oo shan qof ayaa ku dhaawacmay.

Hoobiyaasha ku soo dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo tuuray xaafado ku yaalla degmada Deyniile ee duleedka magaalada Muqdish, sidda ay lee yihiin saraakiisha ciidamada.

Xaalada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan in kastoo waddooyinka waaweyn lagu arakyo ciidamo fara badan oo suga ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com