DFS oo laga cabsi qabo inay lumiso kursi muhiim ah oo ay ku laheyd IGAD

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa laga cabsi qabaa inay lumiso Kursiga xilka sare ee Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, kadib markii ay awoodi weysay bixinta dhaqaale xoogan oo lagu leeyahay.

Dowlada Somalia oo dadaal ku bixineysa kursigaas ayaa waxaa lasoo sheegayaa in caqabada hortaagan ay tahay dhaqaale 1 Milyan oo lagu leeyahay.

Bixinta lacagta Halka Milyan ee dollarka Mareykanka ah ayaa kamid ah shuruudaha lagu qaban karo xilka Xoghayaha Guud, waxa ayna xiligan Somalia la ciirciireysaa dhaqaale xumo soo foodsaartay.

Helida Kursiga ayaa waxaa dadaal xoogan ku bixineysa dowlada Ugandha oo si sahlan ku bixisay lacagta Halka Milyan ah, si ay u hanato kursiga iyadoo ka faa’iideysaneysa fursada dhaqaale xumo ee heysata Somalia.

Dowlada Somalia ayaa xilkaasi Xoghayaha Guud ee IGAD la dooneysay C/salaan Cumar Hadliye oo horay u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somalia, hase yeeshee waxa ay u muuqaneysaa in qorshaha dowlada uu dhicisoobay.

Sidoo kale, waxaa soo xirmaaya fursada lagu qaban lahaa xilkaasi, waxaana la filayaa in Sabtida fooda nagu soo heysa ay magaalada Addis Ababa ku shiraan Wasiirada Arrimaha dibadda IGAD, si ay uga doodaan cida noqon doonta Xogahayaha Guud ee xiga, hase ahaatee Madaxweynayaasha IGAD ayaa gaari doona go’aanka kama dambeys ah.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha IGAD ayaa xilkaasi la doonaaya Ugandha oo kamid ah dowladaha ugu quwada badan Africa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com