DF oo looga digay hanaanka ay ku xusho taliyayaasha iyo saraakiisha Amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlda Federaalka ah ee Somalia ayaa looga digay inay kusii fogaato hanaanka ay ku xusho Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga.

Dowlada Federaalka ayaa loogu baaqay in Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada dowlada aysan ku saleysiinin 4.5, isla markaana la kala qaado howlaha amniga iyo qabiilka.

Xildhibaan hore Maxamed Nuur ayaa sheegay in Somalia aysan ka hormari doonin amni darida ka jirta, waa haddii aan laga gudbin hanaanka qabiilka loogu saleynaayo Hay’adaha amaanka.

Waxa uu sheegay in Taliye iyo Sargaal lagu xulay 4.5 uusan qaban karin howsha amni Qaran, maadaama ay ka danbeeyan reero gaara oo lagu xushmeynaayo.

”Waxaan DF ugu baaqayaa in Hay’adaha amaanka ay ka deyso 4.5, waayo Sargaal lagu keenay hanaan qabiil ma qabankaro waxa laga sugaayo”

”Adduunka waxaa ka mamnuuc ah waxa aynu caadeysanay ee qabiilka lagu qeybsado, waxaan ka digayaa inaan dhibaato amni u horseedno dalka fadlan naga daaya xilalka ciidan ee aad noogu xuleysaan qabiilka”

Haddalka Xildhibaan hore Maxamed Nuur, ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka ay xilalka amniga ku qeybiso hanaan 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com