DFS oo war rasmi ah kasoo saartay baaritaanka musuq-maasuq ee Soma Oil & Gas sheegtayna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay dembi baaris ay Dowladda Britain ku furtay sharikado hore heshiis ula galay Soomaaliya, ka dib eedeyn la xiriirta musuqmaasuq ka dhacay Soomaaliya.

Wasaardda Batroolka ayaa qirtay baaritaanka uu Xafiiska [ka hortagga] musqmaasuqa culus ee UK, SFO, uu billaabay ee ku wajahan sharikadda Soma Oil and Gas Exploration Limited (SOMA), waxayna Wasaaraddu sheegtay in ay si buuxda gacan uga geysan doonto, haddii sidaa la weydiisto.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay, Wasaaraddu waxay ku tilmaantay in soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu muhiim u yahay xasilloonida dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

War saxaafadeed

Muqdisho, 03 August 2015 Wasaaradda Batroolka & Macdanta waxay qireysaa in uu jiro baaritaan eedeymo oo ay Xafiiska Baarista Wax-isdabamarinta ee UK (Serious fraud office) ku bilowday Soma oil & gas Exploration Limited (SOMA) islamarkaana Wasaaraddu waxay diyaar la tahay wada shaqeyn buuxda oo arintan ku saabsan haddii laga codsado.

Wasaaradda waxay qireysaa in ay April 24 2014 la saxiixatay heshiis shirkadda SOMA kaas oo ahaa in Shirkaddu ay ka caawiso Wasaaradda in ay kobciso awoodeeda waxqabad si ay u fuliso howlaha loo xilsaaray.

Heshiiskan waxaa laga heli karaa website-ka Wasaaradda oo ah
http://mopetmr.so/wp-content/uploads/2015/06/Capacity-Building-Letter-to-the-Minister-25.04.14-1.pdf

Soo kabashada dhaqaalaha waxay muhiim u tahay xasiloonida dalka. Keydadka shidaalka iyo gaaska Soomaaliya waa hanti qaran oo ay tahay in la isticmaalo taas oo ay danta qaranku ku jirto, waxaana naga go’an inaan hadafkeena ku gaarno wada shaqeyn & musuq musuq la’aan.

DHAMAAD