Dhacdo xanuun leh: Qoys kaamil ah oo mar qura ku dhamaaday shil diyaaradeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal haya qoys ku dhamaaday Shil Diyaaradeed xili ay kusii jeeden magaaladda Dublin.

Qoyskaani ku dhamaaday shilka Diyaarada oo dhamaa 5 ruux ayaa waxaa uu Safarkooda ahaa mid la xiriiray damaashaad ka hor inta aysan diyaarada kula dhicin waqooyiga gobolka Wales.

Maydadka dadkan ku le’day shilkan diyaaradeed oo gaaraya shan qof ayaa markii dambe la hellay, iyadoo dhicida Diyaarada loo sababeeyay cimilada oo aad u xumeyd.

Geerida qoyskaani ayaa dareen gaara ku abuurtay shucuubta caalamka, iyadoo sababta ugu weyn ee keentay dareenka lagu sheegay in qoyskaani aanu waxba ka harin.

Dhinaca kale, Dadweynaha ayaa looga digay inay u dhowaadaan goobaha laga wado baaritaanka. Waxaana la sheegayaa in baaritaanadani ay qayb ka yihiin waxa sababay shilkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com