25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Dhacdooyin ay aad ula fajaceen culimada oo lagu arkay qaar ka mid ah deegaanada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Deegaanada hoostaga maamulka Puntland ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ku badanayaan dadka qaatay dhaqanka Hindida ee la xiriira is gubida.

Dhalinyarada qaar ayaa la sheegayaa inay is qabadsiiyaan dab, halka qaarna ay isku shubaan biyo kulul oo aan lagu dhiirankarin.

Dhaqankaani kusoo badanaaya deegaanada Puntland oo ay ku kacayaan Ragga iyo Haweenka, ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culumaa’udiinka sida wayn looga yaqaan deegaannada Puntland.

Sheekh Maxamuud Xaaji, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in dhaqan noocaasi ah ay ku dhaqmaan dhalinyaro Muslimiin ah, waxa uuna sheegay in dhaqankaasi laga soo maan-guuriyay dalka India.

Sheekh Maxamuud Xaaji, waxa uu sheegay in Diinta Islaamka ah aysan raali ka aheyn in qof Muslim ah uu jirkiisa qabadsiiyo dab, waxa uuna ka digay in dhaqankaasi uu kusii faafo deegaanada kale ee maamulka.

Sheekh Maxamuud Xaaji, waxa uu sheegay in falalka noocaasi ah ay khatar wayn ku tilmaamtay Diinta islaamka.

Dhanka kale, waxa uu qiray in dhaqanka noocaasi ah uu kusii badanaayo deegaanada Puntland waxa uuna maamulka uga digay inay sheeda ka daawadaan dadka falkaasi ku dhiiranaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News