Dhado aad u naxdin iyo xanuun badan oo ka dhacday gobolka Gedo

Gariley (Caasimada Online) – Haweeney umul aheyd ayaa lagu soo warramayaa inay harraad iyo daryeel la’aan caafimaad ugu geeriyootay tuulo lagu magacaabo Gariley oo ku taalla gobolka Gedo.

Taliye ku-xigeenka saldhigga Gariley Aadan Dhaqane Caduur, ayaa sheegay in haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Cabdiyo Salaad Ibraahim ay ka mid aheyd  dad ka soo barakacay dagmada Bu’aale.

Wuxuu sheegay in sidoo kale dhibaatooyin isugu jira biyo la’aan, dawo la’aan, hooy la’aan  iyo cunno la’aan ay haysato dadka soo barakacay ee ku nool tuulootinka Gariley, Cows-qurun iyo Daarasalaam.

Dadka soo barakacay badankood wuxuu sheegay inay ka yimaadeen gobollada Jubbooyinka.

Taliye ku-xigeenka ayaa ku eedeeyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya in ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ku dhibaateysan deegaannada gobolka Gedo.

wuxuu codsaday in si degdeg ah kaalmo bini’aadannimo loola soo gaaro dadkaasi dhibaateysan.

Caasimada Online

Xafiiska Buulo-Xaawo

Caasimada@live.om