Dhagarta duugan iyo damanaanta Soomaalida !!‏

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Hadii Eebaha awooda badani inoo ogolaado waxaan qormadan ku darsi doona dhagarta iyo dhabar jabinta shisheeyuhu ugu talo galay Ummada Soomalida, iyo sida dadka Somaliyed ay war mooga uga yihiin dabinadaas loo  soo qorsheeyey. Taas badalkeedana ay inta badan dadku ka filayaan in shisheeyuhu uu ka caawin doono sidii dalkooda loo xasilin lahaa loogana caawin lahaa in ay dib uga soo kabtaan dib udhac ka reebay qayrkood.

Intaa aanan u gudo galin dulucda faaladan waxa aan jeclahay inaan wax yar sharaxaad ka bixiyo Ciwaanka qormada oo ka kooban afar eray oo labo labo uwada socota,Hadii aan ku hormaro Dhagarta duugan waxaa weeye khiyaanada iyo Minjo xaabinta Qarsoon ama aasaan ee shisheeyuhu u maleegayo ummada soomaliyeed iyo sida ay uga aradan yihiin ugana war la,ayihiin dadka soomaliyeed wax yeelooyinkaas loo soo maleegay si looga faraxasho jiritaankooda iyo qaranamidooda.

Ilaahay ayaa quraankiisa inoogu sheegay in Gaaladu ay alle iyo anagaba inoo yihiin cadow (عدوي وعدوكم),Marnaba ha filan in masaalixda ummada soomaliyeed ay ka shaqeeyeen in ay jilaafo inoo dhigaan mooyee. Waana  muhiim in dhamaan bulshadu ay u guntato sidii ay  uga hortagi lahaayeen dhagarta iyo hagar daamoyinka ay inoo soo maleegayaan.

Abwaan faarax nuur oo ka hadlayay In qosol iyo dhoolo cadayn aan  meel shishe jirin in la inagu qatalo  iyadoo Dil iyo baa,aba la inoo maleegayo waa isagii lahaa;

Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

Maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono.

Waxaa loo baahan yahay in dadka soomaliyeed ay fahmaan in shisheeye magacuu doona hawatee in uusan la rabin dawladnimo taam ah oo iskeed cagaha isugu taagta,waxa kaliya ee ay rabaan waa in ummad soomaliyeed lagu hayo xaaladan ay hada kujirto kahor inta aysan kala qayb qaybin mid walbana cid gaar ah gacanta aan loo galin.waa wax makala yaqaan qofkii cidii dagaysay iyo cidii kale aan kala garanayn,waatii maahmaah soomaliyeed ahayd “Mar idage alle ha dago laba jeer idagase anaa is dagay” hadii mudo kabadan nus qarni ay waxba kasoo naaso cadaan waayeen in shisheeye ina hishiisiiyo dawladna inoo dhiso, maxaa inoo diiday inaan  ka fakarno ayaaheena una naxno mustaqbalka dalkeena oo marmarba marka kasii danbaysa mugdi iyo mad madow sii galaya, Mase jirtaa doqonimo ka wayn in aan wali sii hayno wado aan mudo badan kusoo hungownay oo ah in wax walba aan ku halayno cid aan in ay  wax inoo dhinto ma ahee aan waxba inoo qabanayn.

Hadii inaga dhexdeenii qabyaalad,eex,tafaraaruq iyo kala qaybsanaan ina haraysay oo ay inoogu sii darsameen iyadoo ay gacmaha ina qabteen cadow neceb midnimadeena iyo wada jirkeena ,in badana ku raad joogay in uu xididada inoo siibo maxaa uu noqonayaa ayaaha dalkeena iyo jiritaankeenu,miyaysan ahayn rajo beel iyo gudcur madow oo aan kusii siqayno hadii eebaha awooda leh uusan inoo furin faraj khayr qaba oo kan inoo dhamaa.

Waa tii afmaal Maxamed Macalin uu lahaa;

Nin indhala’ mid kale oo indhala’, oon waxba arkaynin

– Ileen oodda kama leexiyoo, hilin ma aadsiiyo

Xaalada dalkeenu waxay ay la mid tahay mida uu abwaanku maansada ku sifeeyey,waayo soomali oo kala garan la,a cadowgeeda iyo saxiibkeeda iyo shisheeye u guntaday burburinta umada hadii ay kulmeen waa qof indho la,a oo qof kale oo isaga la ayni ah gacanta uu qabtay si uu u hago,naatiijaduna waa in ay labadooduba wada halaagsaamaan maadama uusan midna wax arkayn.

Waa hubaal cidii garasho iyo garaad eebe ku manaystay in ay durbo garowsanayaan in dalka iyo dadkuba u baahan yihiin in gacmaha laga qabto cadow majaraha u haya loona duwo hilinka toosan ee uu ka anbaday,hadii aan inta goori goor tahay aan loo kicin wax ka qabashada xaladaas foosha xun ee uu dalku kujira waxaa dhici doonta xili xiliyada kamid ah in lagu sheekaysto waaba waxaa jiri jiray dal la dhaho Soomaliya oo hada ka tirtirmay mapka caalamka.

Marka aad eegto qorshayaasha siloon ee wax yeelada inagu ah ee ka socda dalka iyo sida ay dadka soomaliyeed u hurdaan waa hubaal in ay kuu sawir mayso in khatar wayn ay ku jirto jiriteenkeenu hadii aan eebe inaga samata bixin shirqoolada la inoogu talagalay,waana shaki la,a hadii aan loo istaagin in aan wax laga qaban in ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo ay adkaan doonto in aan kasoo kabano.Hana ku fikirin in cadowgu iskiis faraha kaaga qaado ilaa uula kulmo iska cabin iyo cadaadis mooyaane.

Waa tii Murtimaal Cabdilahi Dhoodaan uu lahaa;

 Warankaagu ruuxuusan mudin, weedh la marin waaye

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo afmeerayaa qormadan in dhamaan ummada soomaliyeed ee dhiig,dhaqan,dhalasho iyo xigto wadaagta ahi  ina aan ugu baaqo  in ay midoob iska ilaabaan wax wax walba oo dhexdooda ah, sidoo kalena ay u midoobaan sidii ay isaga kicin lahaayeen gumaysigan cusub ee ay gacanta usii galayaan.

Murtida Qormada:

Dhagar qabe abeesiyo

bahal lama dhunkade

dhabta luguma qaatee

Soomaliya Guuul,Midnimo iyo dib ukabasho………….

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale)

Email:Geeljire1900@gmail.com