27.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Dhageyso Abuukar Baalle: “Baasaboor diblomaasi ah ayaan ku imid, xasaanadna waan heystaa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimadda Online) – Warbaahinta Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Caalamka ayaa shaaciyay Wakiilka Cusub ee Soomaaliya u qaabilsan United Nations ama Qaramada Midoobay uu kulankii ugu horeeyay la qaatay Xog-hayaha Guud ee Q.M.

Safiirka cusub ee Soomaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa magaalada Newyorka ee xarunta QM kula kulmay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii Arbacada ayagoo ka wada hadlay xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya.

Abuukar Max’ed Cismaan Danjiraha cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacowday Qaramada Midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Danjire Abuukar Max’ed Cismaan ayaa sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray.

Danjire Abuukar ayaa badalay Yuusuf Garaad Cumar oo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ka horna ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan inuusan heli doonin xasaanad diblomaasiyadeed maadaama uu heysto dhalasho Mareykan ah.

“Waxaan ku imid baasaboorka diblomaasiga ah, xasaanadna waan heystaa, warkaasi waxaa faafiyay kuwo aan u aqaan saxaafadda Tabliod-ka Media-ha oo aan waxba ka aqoon sida dunida u shaqeyso..” ayuu yiri Abuukar Baalle oo sheegay inay jiraan diblomaasiyiin badan oo isagoo kale ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News